Falaagada Al Shabaab Oo Ku Hanjabtay In Ay U Aargudi Doonaan 13 -kii Ruux Ee Lagu Toogtay Magaalada Boosaaso.

0

CALI DHEEREMuqdisho (AGGM): Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Max’uud Ragge [Cali Dheere] oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in ay jawaab ka bixin doonaan falkii maalintii shalay maamul gobolleedka Puntland uu ku toogtay dhalinyarro lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in falkii shalay toogashada lagula fuliyay dhalinyarrada uu la mid yahay kii kol hore sidan oo kale lagula kacay sida uu sheegay dhalinyarro lagala soo baxay xabsi ay gacanta ku hayeen ciidamada nabad-sugida, kadibna meydadkooda lagu arkay jidadka magaalada Muqdisho.
“Dhacdadii lagu dilay 13-ka qof ee ka dhacday duleedka Boosaaso waxay ahayd xasuuq maalmihii la soo dhaafay ku soo laalaabanayay Soomaaliya, iyadoo maalmo ka hor ay ahayd markii qaab sidaan aan waxba ka duwanayn dad muslimiin ah oo ku jiray xabsiyada Muqdisho ku yaalla, kuwaas oo lasoo dhigay maydadkooda wadooyinka, arrimhaas oo dhanna waa wax isku xiran oo aanay wax farqi ah u dhaxaynin,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Waxaa uu sheegay afhayeenka kooxda Al-shabaab in dhalinyarrada la toogtay aysan wax shaqo ah ku lahey sida uu hadalka u dhigay danbiga lagu soo eedeeyay, waxana uu ku tilmaamay falkaas mid xasuuq oo kale ah.
“Falka ka dhacay Boosaaso waa dhacdo aanan ka dhicin dalaka xorta ah ee Islaamka; balse waa dhacdo inta badan ka dhacda dalalka muslimiinta ah ee ay gaalada iyo gala-raacyadu xoogga ku haystaan,” ayuu afhayeenku mar kale yiri.
Dadkii shalay lagu toogtay dulleedka magaalada Boosaaso ayaa la sheegay in ay qaarkood qirteen in ay ka danbeeyay dilal kala duwan oo ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana ka mid ahaa dilkii Alle ha u naxariisteen Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com