AMISOM Oo Fariisimo Kala Wareegtay Ciidamada Itoobiya Ee Ku Sugnaa Gobollka Bay.

0

African-Union-Mission-in-Somalia-AMISOMBaydhabo (AGGM): Ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa ka billaabay gobollka Bay in ay la wareegaan fariisimaha ciidamada dowladda Itoobiya kaga sugan yihiin gobollkaas, kadib markii ay saldhig ka dhigteen deegaannka Goof-gaduud ee dulleedka ka ah magaalada Baydhabo.

Saldhiga ciidamada AMISO ay ka sameysteen deegaankaas ayaa ka danbeysay kadib markii ay halkaa isaga baxeen  ciidamada Itoobiya oo horay fariiska ugu lahaa.

Taliska AMISOM kama hadlin isballaarinta ay sameeyeen ciidankooda, hase yeeshee saraakiisha amaanka ee maamulka gobolka Bay ayaa sheegay in isballaarinta ay qeyb ka tahay qorshe Amisom iyo dawlada federaalka ugu talagaleen inaan la beylihin goobaha ay sida fudud uga guurayaan ciidamada Itoobiya.

Bishii March ee ina dhaaftay ayeey aheyd markii ay ciidamada dowladda Itoobiya isaga baxeen degmada Xudur ee gobollka Bakool, waxaana gacan ku heynta degmadaas markiiba la wareegay xoogagga Al-shabaab.

Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa dhawaan laga soo xigtay walaaca uu ka qabo sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii sida uu sheegay ciidamadaas qaateen waqti ka badan intii loogu talagalay in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com