Falaagada Al Shabaab Oo Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Xalay Fariisimaha Ciidamada Dowladda Iyo AMISOM Ee Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dagaallyahanno ka tirsan falaagada Al-shabaab xalay fiidkii weerar madaafiic ah kusoo qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid labada dhinac ee iska hor yimid isku adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka, ayaa waxa uu bilowday xalay abaare salaaddi cishaha kadib, waxaan daryanka madaafiicda ay labada dhinac is weeydaarsanayeen laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo.

Dagaalyahanno ka tirsan falaagada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar madaafiic ah ay ku soo garaaceen fariisimo ciidamada dowladda iyo AMISOM ku lahaayeen agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, taasoo keentay in dhinaca ciidamada dowladda iyo xoogagga is garabsanaya ku jawaabaan mdaaafiic culus.

Madaafiicda xalay leysku weydaarsaday dulleedka magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaya xili hirkii maamul u sameynta Jubooyinka loo wareejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasoo ay imika ku suganyihiin inta badan ergadii ka qeybqaadaneysay shirka maamul u sameynta Jubooyinka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay dagaallka ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com