Cambaarayn: Xasuuqa Ka Socda Magaalada Gaarissa Ee Dalka Kenya.

0

bloodUjeedo: Cambaarayn xasuuqa foosha xun ee ka socdo magaalada Gaarisa ee cariga somaliyeed ee Kenya gumaysato.

 Xoghayaha guud ee  ururka SORASOD ahna Madaxa mashaariicyada gudaha iyo dibada ee ururka SORASOD  Eng Idiris Hassan Farah waxuu  sida oogu  xun u cambaaraynayaa gumaadka waxuushnimada ah ee lagu hayo dadka kasoo jeedo Qabiilka Mareexaan!!!.

Eng.Idiris waxuu ayaan daro ku tilmaamayaa xasuuq loogaystay dhalinyaro farabadan oo ka soo jeedo qabiilka aan kor kusoo xusnay oo lagu xasuuqay magaalada Gaarisa si aan kala sooc lahayn!!! ayadoo dhalinyaradaas in badan oo kamid ah lalayahay raq iyo ruux halka kuwo farabadan  oo kamis ah dhalin yaradaas laga helay maydkooda meelo gala gadisan sida qashinka ayagoo maydkooda jawaan kujiro!!!. dhaliyaradaas oo kaga qafaashay guryahooda wakhti habayn ah halka qaar kale lagala degey baabuurta iyo qaar kale oo laga qafaashay magaalada dhedeeda!!!

Arinkaasna waxuu daba socdaa  hadal horay oogasoo yeeray dawlada Kenya oo ahaa in qabiil ka mid ah qabaa ilada dego Jubooyin uu dagaal kula jiro kana hortaagan yahay inay Kismaayo qabsadaan!!. qabiilkaas oo ay adagtahay inay ku bad baadaan Kenya dhexdeeda  waa hadii loo garto inay ka soojeedaan qabiilka Kenya horay u sheegtay inuu cadaw u yahay!!!

Eng: Idiris waxuu cam baaraynayaa si yaasiinta ka soo jeedo Gaarisa  iyagu ku lug leh xasuuqa loo gaysanayo dadka loo garto inay kasoo jeedaan qabiilka aan kor kusoo xusnay!!.

Ugu dambayntii waxaan oogu baaqaynaa inta samaha jecel ee Degen Gaarisa inay ka hortagaan ficilkaan bahalnimada ah ee ay ka shaqaynayaan dadka waxma garatada ah.Sidookale waxaa oogu baaqaynaa DF ah gaar ahaan  madaxda oogu sarayso DF inay si deg deg ah wax ooga qabtaan gumaadka lagu hayo dadka aan waxba galabsanin ee kasoo jeedo beesha somaliyeed ee aan kor kusoo xusnay.

Wada shaqayn wacan. somaliya hanoolaato

Eng Idiris Hassan Farah
Xog hayaha guud ee ururka  SORASOD ahna madaxa mashaariicyada gudaha iyo dibada

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com