Golaha Wasiirada Oo Ka Deyriyay Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dalka Yemen, Guddina U Saaray.*Daawo Sawirada*

0

oki2Muqdisho (AGGM): Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii ay yeesheen uga hadleen xaaladda nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Kulankan ayaa sidoo kale, looga hadlay qodbo ay ka mid ahaayeen, magacaabis Garyaqaanka Guud, iyo sidoo kale warbixin laga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan taasoo la xariirtay natiijada kulankii madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire oo gabagabada kulanka la hadlay warbaahinta ayaa xusay in goluhu ay warbixin dhameystiran ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fawsiya taasoo la xariirtay qodobada ay isku afgarteen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Kenya, isaga oo xusay in diirada lagu saaray kulankaasi Iskaashiga Amniga ee labada dal, shirka London, iyo horumarka.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ee Xukuumada ayaa si qotadheer uga dooday xaaladda nololeed ee Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen, waxaana warbixintan u soo gudbiyay golaha Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Nuur Gacal.

“Goluhu aadbey uga murugoodeen xaaladda nololeed ee dadkaasi ku jira xeryaha qaxootiyaha ee dalka Yemen, waxaana loo saaray guddi ka kooban 5 Wasaaradood oo si deg deg ah ugu howlgala sidii dadkaasi loo samatabixin lahaa, looguna gurman lahaa” ayuu yiri Wasiirka oo dhanka kale xusay in guddigani madax looga dhigay Dr. Gacal, uuna u howlgali doono sidii xariiro loola sameyn lahaa hay’addaha caalamiga ah si loo helo gurmad ballaaran oo loo fidiyo dadkaasi Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in goluhu ay aad uga damqadeen xaaladda adag ee ay ku nool yihiin qaxootigaasi, waxayna isla garteen in si deg deg ah dadkaasi xaaladooda loogu howlgalo sidii loo samatabixin lahaa, maadaama buu yiri loo arkay inay ka duwanyihiin qaxootiyaha kale ee ku nool dalka dibadiisa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in goluhu ay cod caqlabiyad leh ku meel mariyeen magacaabista Garyaqaanka Guud ee dalka, waxaana loo magacaabay Dr. Cismaan Cilmi Guuleed (Biikolo).

Ugu dambeyntii, Wasiirka kuxigeenka Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay meel mariyeen guddiyo ay soo diyaarisay Wasaaradda Garsoorka, kuwaasoo loo gudbin doono Golaha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

oki2

oki

oki1

DHAMAAD

Garad Salad Hersi
Press office, PM office

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com