Cumar C/rashiid "Shaki Badan Ayaan Ka Qabnaa Inay Dowladda La Wareegto Shirka Kismaayo".

0

cumarbolisKismaayo (AGGM): Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu shaki badan ka qabo in shirka Kismaayo ay la wareegto dowladda federaalka Soomaaliya, haddii aysan isku tanaasulin sida uu hadalka u dhigay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Jubba-land.
Waxaa uu sheegay Cumar C/rashiid oo looga baahan yahay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Jubba-land isku tanaasulaan, haddii ay kale arintaa ay carqalad ku keeni karto habsami u socodka howlaha shirka.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf xoogan oo soo kala dhax-gallay  waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ka qeyb-gallaya shirka Kismaayo kadib markii leysku khilaafay cid ah musharaxa saxda ah ee u taagan xilka maamulka Jubba-land.
Axmed Madoobe guddoomiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah musharixiinta ugu cad cad, waxaana xilkaa kula dartamaya Sheekh Max’ed Ibraahim Shakuul.
Ra’iisal wasaarihii hore ayaa sheegay in haddii ay dhinacyda u taagan xilka madaxweynaha la iman wax tanaasuulaad ah laga yaabo in uu shirka gacanta u gallo dowladda federaalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com