Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Degmada Ceel Garas.

0

Ciidamada-Dowlada-HowlgalCeel Garas (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel Garas ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay  goor dhawayd  dagaal culus kula wareegeen gacan ku heynta Degmada Ceel Garas ee Gobolka Bakool.

Degmada Ceel Garas oo ku dhaw Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, ayaa waxaa maanta dagaalo culus ku soo qaaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda iyo Ciidamada Al Shabaab ayaa waxay dagaalo faraha looga gubtay ay ku dhex mareyn Degmada Ceel Garas, waxaana falaagada Al Shabaab lagu khasbay inay isaga baxaan.

Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool Col. Xasan Baydhabo, ayaa wuxuu Saxaafada uu u xaqiijiyay in gacanta Dowladda ay soo geliyeen Degmada Ceel Garas.

Taliyaha ayaa wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada Al Shabaab ay ka carareyn meydad badan oo uu sheegay in dagaalada looga laayay, halka kuwo kalana uu sheegay inay horey u sii qaateen.

Isha Ku Hay Allgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com