Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Dhoofay Magaalada Mombassa Ee Dalka Kenya.

0

xasan sheekh dhoofitaanMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u amabaxay magaalada Mombassa ee dalka Kenya, halkaasoo la sheegay inuu kula kulmi doono madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiirro ayaa waxaa ka mid ah wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo la sheegay in madaxweynuhu uu casuumaad ka helay dhiggiisa Kenya.

Lama oga waxyaabaha ay kulankooda kaga hadli doonaan, balse waxaa la filayaa inay kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen ammaanka labada iyo shirka maamul u sameynta ee ka socda magaalada Kismaayo oo dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsanayn.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusii sagootiyay, guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Safarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo madaxweynuhu uu bishan ku tago magaalada dalka Kenya, waxaana sidoo kale uu noqonayaa kii labaad oo uu dalkaas ku tago tan iyo markii Uhuru Kenyatta loo doortay xilka madaxnimo ee Kenya.

Dalka Kenya ayaa gudaha Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afirka ee AMISOM, kuwaasoo ku sugan goobo ka tirsan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Booqashadan ayaan la ogeyn muddada ay qaadanayso, iyadoo la xusuusto in dhawaan ay ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Kenya kulan ay ku yeesheen Nairobi ay ka sheegeen inay iskaashi ka sameyn doonaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com