Uhuru Kenyata"Danta Aan Soomaaliya Ka Leenahay Waa Soo Celinta Nabadeeda".

0

uhuru anad igadNairobi (AGGM): Waxa kaliya aan xiiseynayo waa Nabad ka bidhaanta dalka Soomaaliya oo dagaalo mudo ka badan 22-sano ay ku soo jirtay,iyadoo sidoo kale ay sii huriyeen dagaalada Al-shabaab,ayuu yiri Madaxweynaha dalka Kenya oo arimaha soomaaliya ka hadlayay.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan jeediyay xilli ay ku kulmeen magaalada Nairobi gudoomiyaha Midowga Africa haweeneyda lagu Magacaabo Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma,iyagoona si weyn kaga arinsaday howlgalka amisom iyo hormarka Soomaaliya.Uhuru Kenyati ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku hoos shaqeeyaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda si xasiloonida dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

“Waxaan Qeexayaa in Kenya ay u taagan tahay Caawinta shacabka iyo Xukuumada Soomaaliya,iyadoo ka caawineysa dib u dhiska iyo horay u sii waditaanka hormarka,Uhuru ayaa sidaasi sheegay ,isagoo dhanka kale beesha caalamka ka codsaday in la garab istaago Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Kenya soo hadal qaaday arintaan Urur Goboleedka IGAD ee kaga aadan Soomaaliya,isagoona tilmaamay in Agendaha IGAD ee Soomaaliya uu si weyn ula dhacsan yahay,islamarkaana uu boorinayo.

Madaxweynaha dhawaantaan la dhaariyay ee Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Malitariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay sii wadi doonaan dadaalada ku aadan gacanta siinta Soomaaliya iyo dagaalada lagula Jiro Al-shabaab.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata iyo Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa isku raacay in ilgaar ah lagu hayo xaalada Soomaaliya,islamarkaana dowlada Soomaaliya laga caawiyo qataraha dhanka amaanka kaga imaanaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com