Mathew Bryden Oo Wax Laga Weeydiiyay Istaraatijiyada Ay Itoobiya Ka Leedahay Soomaaliya Iyo Col. Bare Hiiraale Tagitaankiisa Magaalada Kismaayo.*Dhagayso*

0

mathew BrydenIyadoo warbaahintu waqtiyadaan danbe hadal haysay khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar ka hadlaya halka khilaafkaasi salka ku hayo iyo Mathew Bryden oo wareysi dheer siiyay Idaacada VOA.

Madaxa Hay’adda Cilmi Baarista Geeska Afrika ee Sahan Matthew Bryden ayaa laga soo xigtay in khilaafka labada dowladood uu salka ku hayo arimaha maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo taasoo ay labada dhinac ku kala aragti duwanaadeen.

Dhinaca kale Mathew Bryden ayaa wax laga weeydiiyay tagitaan Col. Bare Aden Shire ee magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay in Col. Bare Hiiraale uu aad uga xunyahay in lagu sheego hogaamiye kooxeed xiriir la leh Itoobiya, islamarkaana kooxaha ka arimiya Kismaayo iyo kuwa qabanqaabinaya shirka qaabka ay uga hadleen tagitaanka Col. Bare Hiiraale ay ahayd mid aan wanaagsanayn.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/mark.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com