K/AFRIKA : Maxaa Laga Yiri Shirka Jubbaland Ee Kismaayo ? (Ka Bogo Warbixin Ku Saabsan Shir Xalay Ka Dhacay Cape Town. *Daawo Sawirada + Dhagayso*

0

DSCN1355Cape Town, South Africa (AGGM):  Dhul Ninkiisa Ma Mooga ! Wadankaaga Waraabe Maka Weecin Kartaa ! Hal Xaaraan ahi Nigir Xalaal ah ma Dhasho ! iyo kalmado kale oo aad u qiira badan ayaa ka mid ahaa talooyin wax ku ool ah oo xalay lagasoo jeediyey Shir caalami ah oo ka dhacay Magaala Xeebeedka Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Shirkan oo ahaa mid lagu dhaliilayo shirka lagu yagleelayo maamul loogu magac daray Jubbaland ee ka soconaya gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka J/Hoose, ayaa waxaa soo buux dhaafiyey madasha uu ka dhacay Culimaa’udiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Dhallinyaro, Haween  iyo Ganacsato aad u qiiraysan oo dhamaantood wajiyadooda laga dheehan karay sida ay ugasoo horjeedaan shirka Kismaayo ka socda.

Qabanqaabada shirkani oo ay kaalin libaax leh ka qaateen Jaaliyadaha dega Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxaa lagasoo jeediyey talooyin muhiim ah oo fariin u ah Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed, iyadoo boorar iyo fanaanado lagusoo xardhay Calanka Dhulkeena Hooyo ee Somalia ay si aad ah uga dhex muuqdeen madasha Shirka.

“Waa waxba kama jiraan shirka hadda lagu maleegayo Magaalada Kismaayo ee la leeyahay Maamul baa Jubbooyinka loogu dhisayaa mana taageeri doono hadaanu nahay Jaaliyadaha ku abtirsada Gobalada Jubbooyinka ee ku nool dalka Koonfur Afrika iyo daafaha caalamkaba” sidaasina waxaa yiri C/raxmaan UK oo ku hadlayey magaca dhallinyarada beesha Sheekhaal ee Gobalka Western Cape.

Dhinaca kale shirkii xalay ee Cape Town, ayaa waxaa si aad ah loogu taageeray Shirka ay Doowladda Federaalka ee Somalia hormuudka u tahay ee Maamul u sameynta Jubbooyinka kaasi oo ah mid dastuuri ah, hasa ahaatee waxa Dowladda ay ka codsadeen dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay inay Dowladdu mudnaanta koowaad siiso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Gobalada Jubbooyinka.

Intii uu shirka socday ayaa waxaa halkaasi lagusoo bandhigay Ruwaayad aad looga wada heley oo lagu matalayey Wacan oo ah Gabar Soomaaliyeed oo loo aroosinayo nin Kenyaan ah, taasi oo ay in badan dadkii halkaasi joogay kaga kaaftoomeen ujeedooyinka maldahan ee laga leeyahay shirka Jubbaland ee Kismaayo, kaasi oo uu horboodayo Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe.

Kulankii xalay oo ahaa mid loo wada riyaaqay ayaa waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Gudoomiyaha Beesha Sheekhaal C/qaadir Balow, Gud. Biimaal Cumar Xujaale Cabdi, Gud. Abaabulka Shirka Maxamed Cabdul Cabdi, Gudoomiyaha Digil & Mirifle ee Dalka K/Afrika Cabdi Cali Bisle, Maxamed Faarax Siidow Arbow oo ah Gudoomiyaha Somali Bantu, C/raxmaan Maxamed Macalin (UK) oo ah Gudoomiyaha Midowga Dhallinyarada Beesha Sheekhaal ee W/Cape, waxaana uu kusoo gabagaboobay jawi aan caadi aheyn.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/codad-south-africa.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

DSCN1348

DSCN1355

DSCN1368

DSCN1369

Cape Town, South Africa

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com