Wararki Ugu Dambeeyay Caawa Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ay magaalada Kismaayo ka biloowdeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameenayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyo beeledka Raaskambooni

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Abaabul dagaal uu ka biloowday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose iyadoo dhinaca Kale shirka Kismaayo ayaa waxaa si aad ah ugu kala aragti duwan yihiin Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  Axmed Madoobe iyo Korneel Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale” waloow aysan labadooda weli yeelan wax kulan ah balse waa uu cadyahay mowqifka Korneel Barre Hiiraale.

Goobjooge ku sugan gudaha Magaalada Kismaayo oo u waramay shabakada Allgalgaduud Media ayaa waxa uu u sheegay in Maanta galinki dambe ay bilowdeen Magaalada Kismaayo dhaq dhaqaaq Ciidan kuwaasi oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Maleeshiyo beeleedka Raaskaambooni ee ku wada sugan Magaalada Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa aanu ka helayno Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay saldhigyo Fariisimo dhowr ah ka sameysteen gudaha iyo daafaha Magaalada Kismaayo iyadoona Labada dhinac la soo sheegayo in ay u kala imaanayaan Gurmadyo ciidan oo kala duwan.

Isku soo wada duuboo dhawaan ayay ahayd markii  Odayaasha dhaqanka ee kasoo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay soo Fara geliso arrinta Jubbooyinka oo ay sheegeen in ay Faraha ka sii bexeyso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com