Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Sheegay In Dowladda Ku Dadaali Doonto Xoojinta Xiriirka Kala Dhaxeeya Maamul Gobolleeyada.

0

xasan sheekh maxamuud1Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in dowladiisa xoogga saari doonto xoojinta xiriirka kala dhaxeeya maamul gobolleedyada ka jirta Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ayaa rajo badan ka muujiyay shirka dhawaan la fillayo in uu ka furmo magaalada London ee looga hadllayo xaalada Soomaaliya, isaga oo sheegay in uu shirkaa ka fillayo go’aamo sida uu hadalka u dhigay ay ku qancaan maamulka Soomaaliland.

Waxaa uu sheegay in xal laga gaaro khilaafka ka dhax jira dowladda federaalka iyo maamulka Soomaaliland go’aan ka gaaristiisa ay u taalo sida uu hadalka u dhigay shacabka Soomaaliyeed, waxaana hadalka madaxweynaha laga dhadhansan karay in maamulka Soomaaliland uu wali u aqoosan yahay maamul ka tirsan Soomaaliya.

”Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Soomaaliland waxaa go’aanka ugu danbeeya ka gaari doona shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu wada hadal ku dhaxmaray labada dhinac magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo kaasoo labada dhinac ay kula kala saxiixdeen hishiis dhigaya ilaa todobo qodob.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com