Abuu-mansuur Al-amriki Oo Ka Badbaaday Isku Day La Doonayay In Lagu Dillo.

0

shabaab ajnabiMuqdisho (AGGM): Ninka u dhashay dalka Mareykanka ee lagu magaacabo  Omar Hammami laakiin gudaha dalka Soomaaliya looga garanayo Abuu-mansuur Al-Amriki ayaa muuqaal uu soo dhigay bogga Twwitterka waxaa uu ku sheegay in uu ka badbaaday isku day la doonayay in lagu khaarajiyo.
Waxaa uu sheegay Omar Hammami in ay weerarku soo qaadeen kooxo uusan garaneynin xili sida uu hadalka  u dhigay uu ku sugnaa goob shaaha laga cabo, waxaana muuqaalka uu soo dhigay Twwitter-ka ka muuqanayay dhaawac ka soo gaaray dhuunta.
Kooxaha weerarka ku soo qaaday ma uusan sheegin cida ay ka tirsanaayeen, laakiin waxaa uu sheegay in dilli lahaayeen, laakiin uu ka baxsaday.

Inkastoo uu ka mid yahay Abuu-mansuur Al-amriki ragga ugu magaca dheer ajnabiga ka bar bar dagaallama Al-shabaab ayaa haddana waxaa xusid mudan in bilihii ugu danbeeyay uu soo kala dhax-galay khilaaf adag oo sababay in horjoogayaasha ku tilmaamaan in uu yahay shaqsi falaagoobay.

Dhowr mar oo hore ayuu sheegay in uu halis ugu jiro in ay dillaan sida uu hadalka u sheegay xoogag ka tirsan Al-shabaab oo baadi goob ugu jira.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com