Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo kadib marki ay xalay saqdi dhexe soo galeen ciidamo uu hogaaminayo Col. Bare Aden Shire “Bare Hiiraale”.

Waxaa maanta gabi ahaan isbadalay jawiga magaalada Kismaayo, waxaana gudaha magaalada laga waayay hal nin oo kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo dhexmaraya.

Sida wararka nagu soo gaarayaan Maleeshiyo beeleedki Raaskambooni ayaa waxaa ay u kala carareen Madaxtooyada iyo Dekeda magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo ayaa gabi ahaan waxaa istaagay shirarki ka soconayay waxaadna arkeeysaa dadki lagu sheegayay inay ahaayeen ergooyinka shirka oo laba laba u wada taagan.

Sidoo shacab fara badan oo isugu jira odayaal dhaqan iyo dadweyne ayaa waxa ay soo dhoobteen hoyga uu ka dagan yahay magaalada Col. Bare Hiiraale oo deris la ah Madaxtooyada magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo xaalada magaalada Kismaayo ayaa  ah maanta mid dagan kadib isu soo bixi shacabka ay ku soo dhaweenayeen Col. Bare Aden Shire ” Bare Hiiraale”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com