War Deg Deg Ah: Ciidamadi Dowladda Ee Dhawaanahan La Sugayay Oo Soo Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadi dowladda ee dhawaanahan la sugayay ee kasoo kicitimiy deegaano ka tirsan gobolka Gedo ay hadda soo gaareen magaalada Kismaayo.

Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamadan oo aad hubeysan ay hadda fariisimo ka sameeysteen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa waxa ay kasoo kicitimeen dhanka gobolka Gedo, waxaana si rasmi ah loogu soo badalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com