Ra’iisal Wasaaraha Oo Maanta Kormeeray Xarumaha Tababarka Ciidamada Iyo Wasaaraddo.*Daawo Sawirada*

0

IMG_6935Muqdisho (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha tababarka ciidamada, iyo goobo kale, sida, Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, Dugsiga Tababarka ee Jenenar Kaahiye (Ex. Iskola Bolisiya), Xerada Jazeera, taliska Ciidanka nabadsugida Qaranka, taliska Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed, xarunta maamulka gobolka Banaadir,  iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeerkiisan waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashagga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir kuxigeenada Warfaafinta, Cabdishakuur Cali iyo Mire, Ibraahim Yarow Isaaq, iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarsho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horeyntii kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Wasaaradda Gaashaandhgga, isaga oo halkaasi kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka Yugandha, isla markaana la siinayay casharo dheeraad ah oo ku aadan wadaniyadda, difaaca Qaranka iyo adaabta ciidanka.

“Booqashada aan saaka idiinkugu nimid waxay qeyb ka tahay dhiiragelinta ciidanka Qaranka, waxaana idiin cadeynayaa inaad tihiin rajada dawladnimada iyo dib u soo celinta qaranimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Saacid oo xusay in marxaladda adag ee maanta la marayo in ay laf dhabar u yihiin sidii looga bixi lahaa.

“Weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday xarunta maxkamadda, waxay qatar weyn gelisay jiritaanka ummadda, waxaana idiinkaga fadhinaa inaad ka hortagtaan falalkaas iyo kuwa la midka ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaruhu isagoo tilmaamay in falalka caddowgu aysan la leexin doonin dariiqa saxda ah iyo dib u soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha wasiirada ah ee la socday ayaa tegay xarunta tababarka ciidanka ee Jeneral Kaahiye, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamada Birmadka kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti.

“Runtii wey I farxad gelisay sida aad u diyaarsan tihiin, diyaarkana ugu tihiin inaad naftiina u hurtaan difaaca iyo sugida amniga dalkiina, waxaana la idiinkaga fadhiyaa inaad xasilisaan Muqdisho, kana sifeysaan argagixisada shacabka leyneysa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaasi sii raaciyay “Waa inaad kooxahaas nabaddiidka ah aad ka dhigtaan kuwo malahoodak u hungooba.

Intaasi kadib, Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa kormeerkiisan ku tegay Xerada tababarka ciidanka ee Jaziira, halkaasoo ay tababar ku qaadanayaan ciidamo gaaraya kun Askari, waxaana tababarkan bixinaya saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo muddo saddex bilood ah uga soconayo tababarkan.

“Sababta aan idiin soo booqanay iyadoo weli tababarku idiin socdo, waxa weeye sida aad muhiimad noogu leedihiin, aana idiinku hanweynahay, waxaana la idinka doonayaa inaad noqotaan ciidan dhab ah oo shacabkiisa difaaca” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo kula dardaarmay in ay ka hortagaan caddowga shacabka dhibaateynaya.

Ra’iisal Wasaare Cabdi Faara Shirdoon ayaa sidoo kale, kormeeray xarunta gobolka Banaadir oo saldhig u ah hay’addo kala duwan ka tirsan dawladda, waxaana halkaasi uu warbixin uga dhegeystay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isaga oo uga warbixiyay howlaha maamulkiisu ku howlan yahay iyo bilic soo celinta magaalada.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray xarunta ciidanka Nabadsugida Qaranka, isaga oo bogaadiyay howlaha ay u hayaan ummadda, wuxuuna kula dardaarmay in amniga Qaranka uu ku xiranyahay sida ay u helaan xogaha caddowga isla markaana looga hortago falalka ay shacabka ku gumaadayaan.

Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa   kormeerkiisa ku tegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, halkaasoo uu kula kulmay dhamaamba shaqaalaha Wasaaradda iyo kuwa Warbaahinta Qaranka, isaga oo uga tacsiyadeeyey geerida alle u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raagge oo ay maalintii Axada ay koox dhagar qabayaal ahi ku toogteen gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkinley ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan maanta idiinku imid inaan idinla qeybsado tiiraanyada iyo tacsida wariye Maxamed Ibraahim Raagge oo ahaa geesi naftiisa u huray Qarankiisa” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha oo ku booriyay shaqaalaha warbaahinta Qaranku in aysan ka niyad jabin dhagarta caddowga basle ay sii laban laabaan howlahooda Qaran, si loo cirib tiro argagixisada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in howsha warbaahinta Qaranku ay tahay howl muhiimad gaar ah u leh shacabka iyo dawladnimada, isaga oo tilmaamay in cadowgana ay uga darantahay Rasaasta Qoriga, maadaama ay daqiiqadiiba gaarsiinayaan malaayiin qof dhagarta ay shacabka u geysanayaan argagixisada, “Qoriga kaliya lagulama dagaalamayo argagixisada ee waxaa qeybta ugu muhiimsan oo lagula dagaalamo ka mid ah warbaahinta, gaar ahaana mida Qaranka, oo muujineysa guul darada caddowga” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com