Qaar Ka Mid Ah Ergadii Ka Qeyb Galaysay Shirka Kismaayo Oo Ka Carootey Shirka.

0

shirka kismaayoKismaayo (AGGM): Malmahii ugu dambeeyey ayaa magaalada Kismaayo waxaa ka soconayey shirar iyo kulamo looga arinsanayey Qaabka loo xuli doono Ergooyinka Rasmiga ah oo la sheegay in ay ka koobnaan doonaan ilaa 500 ruux ,kuwaasi oo loo qeybiyey Doraad 3 da Gobol,xilli Gudi farsamo oo ka kala socda 3 Gobol ay ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha

Istiin Xasan Baas oo ka tirsan Ergada Shirka Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo Lahadlaysay Saxaafada ayaa sheegay in Ergadii Shirka Maamul U sameynta ay isaga Bexeen Sababo uu Ku sheegay In Shirkaasi uusan ahayn Mid Nidaam iyo Cadaalad Ku saleysan .

Istiin ayaa Intaasi ku darey in Meesha ay Joogaan Odayaashii deegaanadaasi Laakiin aysan U Madax banaaneen in Fikirkooda ay Ku saleeyaan Shirka oo ay Shirka Maamulayaan Awooda Kale sidaa darteed waxa uu sheegay in uu u Cuntami waayay Shirkaasi ayna Garowsadeen in ay isaga Baxaan.

Sikastaba ha ahaatee Shirka Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa isi soo tarayo eedeymaha Loo Jeedinayo kuwaasi oo ay soo Jeedinayaan waxgaradka , Siyaasiyiinta iyo dadka deegaanadaasi ka soo Jeeda iyadoo ay Xusid Mudantahay in dowladda Soomaaliya ay Horay uga soo Horjeesatay Shirka Maamulka Loogu sameynayo Gobollada Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com