Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xariga Ka Jaray Maalmaha Talaalka Caruurta.

0

talaal madaxweynahaMuqdisho (AGGM):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqey in ay bilowdeen maalmaha tallaalka caruurta Soomaalida, Caruurta iyo hooyooyinka ayaa laga tallaalayaa 5 cudur oo dilaa ah.

Munaasabadda lagu daahfurayey waxaa soo agaasintey Wasaaradda hormarinta adeega bulshada ee Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya, waxaana ka soo qaybgalay madax kala geddisan oo ka socotey bulshada qaybaheeda kala duwan iyo hay’adaha caafimaadka ka shaqeeya.

Talaalka uu maanta ku dhawaaqey Madaxweyne Xassan ayaa ah cudurada Jadeecada, Qixdheerta, Gojiyaha iyo cuduro kale.

Maryan Qasim Axmed Wasiirka hormarinta adeega bulshada oo ay hoostagto wasaaradda caafimaadku ayaa sheegtey in sanadkan lagu soo kordhiyey saddex talaal oo qaali ah, isla markaana ay muhim tahay in caruurta Soomaaliyeed ka qaybqaataan talaalka, ma ahan caruurta Soomaaliyeed in ay u dhintaan cuduro aynu ka talaali karno ayey tiri.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa bilaabey, waxaana uu talaalka siiyey laba caruur ah oo meesha lagu soo diyaariyey.

Magaalada Muqdisho suurta gal ma ahaan jitrin in maalmaha talaalka qaabkan oo kale looga daahfuro, inkasta oo shaqaalaha ka qaybqaadanaya talaalaidu ay yihiin kuwo ka taxadaraya amnigooda isla markaana caruurta lagu talaalayo goobo loogu talo galay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com