Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Sheegay In Qorshe Loo Dajiyay Amniga Xildhibaannada.

0

jawaariMuqdisho (AGGM): Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari oo hadal ka hor jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya kadib dib u dhac ku yimid kulankii shalay la fillayay in looga doodo hishiiskii Ankara ku dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland, ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka qorshe gaar ah u dajiyay sugida amniga xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka sugida amniga gollaha shacabka loo diyaariyay ciidamo gaar h oo suga iyo walba qaab casri ah oo looga horagi karo in ay ka dhacaan gudaha xarunta gollaha shacabka weeraro argagixiso.
”Qorshe gaar ah ayaa u dajinay sugida amniga xarunta gollaha shacabka, waxaana la diyaariyay ciidamo si gaar ah u tababaray oo sugi doona xarunta marka ay socdaan kulamada xildhibaannada si looga fogaado weeraro argagixiso oo dhaca,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.
Wixii ka danbeeyay weerarkii argagixiso ee todobaadkii hore ka dhacay xarunta maxkamada gobollka Banaadir waxaa soo ifbaxay shaki weyn oo laga qabo in weeraro kale oo lagu qaado xarumaha dowladda sida xarnta gollaha shacabka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com