Falaagada Al Shabaab Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ka Dhacay Gobollka J/Hoose.

0

abu muscabMuqdisho (AGGM): Kadib dagaal culus oo falaagada Al-shabaab iyo ciidamada kenya ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobollka Jubbada hoose, ayaa waxaa guulo ka sheegtay dagaallkaas horjoogayaasha maleeshiyada Al-shabaab oo sheegay in ay dilleen tiro ka mid ah ciidamada Kenya ee AMISOM.
Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan falaagada Al-shabaab C/siis Abuu-muscab oo la hadllayay warbaahinta ku hadasha afka kooxda ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen gadiid kolanyo ahaa oo la socdaan sida uu hadalka u dhigay ciidamada Kenya inta u dhaxeysa Dhoobley iyo Husungow, isaga oo sheegay in ay khasaare xoog leh gaarsiiyeen ciidamada la socday gadiidkas.
C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay n halkaas uu dagaal adag ku dhexmaray xoogagooda  iyo falaagada Al-shabaab iyo ciidamadii Kenya ee ay wadada u galeen,wuxuuna sheegtay in goobta ay uga dilleen ciidamada Kenyaen 12 askari halka ay 15 kalane ay kaga  dhaawaceen sida uu sheegtay.

Ma uusan sheegin dagaallkaas ay ku dilleen 12-ka askari ee Kenya u dhalatay khasaaraha dhinacooda ka soo gaaray, hasse ahaatee waxaa uu sheegay oo kaliya in ay guul ballaaran ka gaareen dagaallka.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Al-shabaab jidgooyo u dhigteen Afar ka tirsan gaadiidka dagaalka ciidanka AMISOM oo ka ambabaxay deegaanka Leego kuna sii jeedy deegaanka Yaaqbari-weyne ee gobolka Shabeellaha hoose,wuxuuna sheegay in dagaalka ay  ku dilleen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha AMISOM oo la xiriira sheegashada horjoogayaasha falaagada Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com