Dowladda Kenya Oo Lacago U Balan Qaaday Cidii Xog Ka Keenta Saraakiisha Al Shabaab Ee Ku Sugan Kenya.

0

kenya flagNairobi (AGGM):Dowladda Kenya ayaa dhaqaalo u balan qaaday ciddii warbixino ka keena xubno ka tirsan falaagada Al-Shabab oo la aaminsan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan gudaha wadankaasi.

War kooban oo kasoo baxay hay’adaha amaanka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in dawlada Kenya ay ku abaal marinayso lacag dhan 600 illaa 1,200 oo Dollar cidii  xog ka keenta xubnaha Al-Shabab ee weerarada ka geysta gudaha Kenya .

Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari Kenya Charlton Mureithi, ayaa sheegay in la abaal marinayo qofkii warbixino shaqsiyaadka ka tirsan falaagada Al-Shabab ee weerarada ka geysta dalkaasi Kenya ee haddana ku dhuumaalaysta sida uu yiri.

Sarkaalkaan waxaa uu sheegay inuu aaminsanyahay shaqsiyaad Kenyan ah ay ka dambeeyaan weerarada ka dhaca dalkaasi waxaana uu ugu baaqay dadka Kenya inay ciidamada la shaqeeyaan.

Dhanka kale ku dhawaad 30 ruux oo Soomaali ah ayaa lagu xir xiray magaalada Gaarissa kuwaasoo lala xiriirinayo weeraradii ugu dambeeyay ee magaaladaasi ka dhacay.

Warbaahinta Kenya ayaa ku waramaya in dadkaan ay su’aalo weydiinayaan ciidamada amaanka Kenya .

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in magaaladaas uu saran yahay bandaw xilliga maqribkii ka bilaabanaya oo lagu sheegay in amaanka lagu sugayo.

David Kimaiyo oo ka mid ah saraakiisha booliska Kenya ayaa ka sheegay magaalada Nairobi ay xoojin doonaan amaanka xaduudaha Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Kenya tan iyo markii ay ciidamadeeda Soomaaliya usoo dirtay waxaa aad ugu badnaa weerarada lagu qaado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com