Ra’iisal Wasaaraha Ayaa Dhaleeceeyay Kana Tacsiyeeyay Dilkii Wariye Maxamed Ibrahim.

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Fedaraaliga ah ee Soomaaliya muddane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta si kulul u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Wariye Maxamed Ibrahim Raage oo koox hubaysani ku dileen xaafada Dharkeynley ee duleedka Muqdisho, fiidnimadii Axada. Wariyaha ayaa kamid ahaa suxufiyinta Telefeshinka iyo Idaacada Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii, iyo qaraabadii wariyaha asagoo sidoo kale u tacsiyeeyay bahda saxaafada Soomaaliyeed gaar ahaan asxaabta Telefeshinka iyo Idaacada Qaranaka ee uu wariye Maxamed Ibrahim la shaqaynayay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin Diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaana uu ku celiyay balanqaadkii dawladdu ay ku bixinaysay abaal-marinta dhan $50,000 (kontanka kun oo Doolar) ee ku aadanayd soo gacan-galinta iyo soo gudbinta xogta la xiriirta dambiilayaasha bartilmaameedsada suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waxaana uu cadeeyay inay dawladdu la dagaalami doonto kuwa gumaadka ku haya maskaxda iyo xooga fiyow ee Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com