Faadumo Bare Ugaas Axmed Ugaas Aden Oo Kismaayo Uga Dhawaaqdey In Ay Tahay Musharaxa Xilka Madaxtinimada Jubbaland.

0

faadumo-Bare-Igaas-Axmed-1Kismaayo (AGGM):Faadumo Bare Ugaas Axmed Ugaas Aden oo ka mid ah Aqoonyahannada Gobolka Gedo, ahna isku duwaha Ururka Haweenka Gobolka Gedo ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo ay ku Qabatey Magaalada Kismaayo waxay si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay tahay Musharaxad u taagan Qabashada Xilka Madaxtinimada Maamul Goboleedka Jubbland ee Howshiisu ay ka Socoto Magaalada Kismaayo.

Faadumo Bare oo maalmahii ugu dambeeyey ku sugneyd Magaalada Kismaayo ayaa waxay kulamo ku aadan howlahaasi ay kula lahayd Qeybaha kale duwan Bulshada ku dhaqan Kismaayo, iyadoona sheegtay haddii uu ku guuleysto Xilkaasi in wax weyn uu ka Qaban doono adeegyo ay ka mid yihiin Horomarinta Bulshada, gaar ahaan Haweenka, Nolosha, Sida Caafimaadka, Waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, Nabad gelyada, Shaqo abuurka Iyo Dib udhiska Wadooyinka, Beeraha iyo Kaluumeysiga.

Faadumo Bare oo ah Aqoon yahanad si weyn looga yaqaano Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa waxay ku dhalatey Degmada Luuq, sanadka markuu ahaa 1967, waxayna Waxbarashada hoose, Dhexe iyo mida Dugsiga Sare ay ku dhamaysatay Degmada Luuq sanadkii 1985, kaddib waxay gashey sanadka markuu ahaa 1987 ilaa 1989 Machadka Maamulka iyo Maareynta ee SIDAM, Muqdisho, iyadoo ka qaadatey Shahaado Dibloma ah.

Burburka waxii ka dambeeyeyna waxay ku howlanayd Arimaha Bulshada iyo howlaha Samafalka ee loogu gargaarayo Haweenka Danyarta ah.

Fadumo Barre Ugaas oo ah Haweeneyda keliya ee hadda ku dhawaaqdey in ay tahay Musharaxad oo la weydiiyey sida uu u aragto Khilaafka ka taagan Howsha Maamul U sameynta Goboladaasi oo ay isku mari la’yihiin Dowlada Federaalka iyo Maamulka KMG ee Kismaayo ayey sheegtay in ay ku han weyn tahay sidii Bulshada degan Gobolada Gedo, J/Hoose iyo J/Dhexe ay u sameyn lahaayeen Maamul Goboleedka Jubboland.

Musharaxnimada Faadumo ayaa ku soo beegmeysaa xilli maalmahii ugu dambeeyey ay sii kordheen tirada dadka u taagan xilkaasi.

Aden Xuseen
Kismaayo,Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com