Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanno Hoostaga Gobollka Bakool.

0

Dagaal-GedoBaydhabo (AGGM): Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gallinkii danbe ee maalintii shalay ku dhaxmaray deegaanno hoostaga degmada Xudur ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gacan millitari ka hellaya ciidamada Itoobiya iyo falaagada Al-shabaab.

Dagaalku waxa ayaa ka danbeeyay Kadib markii ciidamo Ka tirsan kuwa dowladda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al -shabaab ay ku lahaayeen deegaanno hoostaga degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wararku waxaa ay sheegayaan dhowr sacadood oo xiriir ah oo uu dagaallka ka socday deegaan lagu magacaabo Gara-weyne oo qiyaastii 50km u jira degmada Xudur ee gobollk Bakool oo ay fariisimo ku lahaayeen falaagada Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 5 Ruux  ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen oo isugu Jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobollka Bakool ayaa sheegay in ay la wareegeen gabi ahaanba aagagii lagu dagaallamay,iyaga oo ku hanjabay in ay dhawaan u gudbi doonaan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax ah oo ka soo baxay dhinaca horjoogayaasha falaagada Al-shaabab ee gobolka Bakool oo ka hadllaya dagaallada la sheegay in ay ka dhaceen deegaanno hoos taga degmada Xudur.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com