Xog Culus: Maamulka Puntland Oo Bixiya Dhaqaalaha Ku Baxa Ciidamada Somaliland Ee Ku Sugan Dhulka Khaatumo State.

0

farleWarar si hoose lagu helay ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Puntland ay bixiyaan dhamaan dhaqaalaha ku baxa ciidamada Somaliland ee ku sugan dhamaan jiidaha hore iyo magaalada Laascanood ee maamulka Khaatumo State.

Xog ogaal si aad ah ugu dhow mas’uuliyiinta sare ee maamulka Khatumo State ayaa waxa uu xaqiijiyay in uu jiro xiriir toos ah iyo mid dadban oo u dhexeeya labada maamul ee Puntland iyo Somaliland kaa oo ku saleysan in qeeybta ugu badan ee dhaqaalaha ku baxa ciidamada Somaliland ay bixiyaan maamulka Puntland.

“Puntland iyo Somaliland heshiis ayay ku yihiin arrimaha ka dhacaya deegaanada Khaatumo State, waana la hubaa in uu maamulka Puntland bixiso dhaqaalaha ku baxa ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaanada Khaatumo State, mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo iyo Garaadada waa ay ogsoon yihiin dhamaantood, waxaans e u sheegayaa Puntland iyo Somaliland in lagula xisaabtami doono dhibta ay kawa daan deegaanada Maamulka Khaatumo State of Somalia” waa sida uu xog ogaalkan hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Xog ogaalkan ayaa waxa kale oo uu sheegay in labadan maamul ay ka mideeysan yihiin kana wada sahqeeyaan sidii loola dagaalami lahaa Dowlladda Federaalka Soomaaliya iyadoo marba qolo ay doc faruur ku fureeyso dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo jira warar kale oo sheegaya in labadan maamulba ay maalgaliyaan falaagada Al Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya iyadoo ay doonayaan in koonfurta Soomaaliya aysan ka dhicin xasilooni amaba nabad.

Isku soo wada duuboo dadka badankii ayaa waxa ay qabeen tuhunka ah in labadan maamul ay u heshiiyeen sidii loo burburin lahaa maamulka Khaatumo State, waloow ay jireen dad tiro yar oo qabay in xiriirka labadan maamul uu ka fogyahay oo kaliya burburinta Khaatumo State iyo dhaqaalaha ay ku bixiso Puntland ciidamada Somaliland ee dulaanka ku soo qaada mar walba deegaanada Khaatumo State of Somalia.

Maxamed Cumar Saciid
Muqdisho,Somaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com