War Deg Deg Ah: Wariye Maxamed Ibraahim Raage Oo Galabta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0

weriMuqdisho (AGGM):Allaha unxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo katirsanaa warbaahinta qaranka gaar ahaan SNTV Iyo Radiomuqdisho ayaa waxaa galabta abaara 5:20 daqiiqo dhagarqabayaal hubeysan ay ku toogteen ilinka hore ee hooygiisa oo kuyaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir xili uu fadhiyay.

Allaha u naxariistee marxuumka oo galabta ka rawaxay xarunta wasaaradda warfaafinta, boostada, Isgaarsiinta, iyo Gaadiidka ayaa waxaa dhowr xabadood madaxa iyo feeraha kaga dhuftay 2 nin oo Bastoolado ku hubeysan  kuwaasoo durbadiiba goobta kabaxsaday.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowlada iyo saldhiga Booliska degmada Uu falkan ka dhacay hase yeeshee waxaa sanadahan danbe ugaarsi xoog leh kuhayay warbaahinta  Kahowlgasha dalka Maleeshiyada Al-Shbaab iyadoo degmada wadajirna lagu dilay inkabadan 6 Saxafi oo Aan ilaa hadda cid loosoo qabtay aan lashaacin marka laga reebo baaritaan ay xukuumaddu sheegtay in lagu hayo kiisaskaasi qaar kamid ahna lahelay xogtooda.

Marxuumka oo mudo kasoo shaqeynayay warbaahinta madaxda banana ee ka howlgasha dalka Waqtiyadii burburka ayaa waxa uu 2 sanadood kahor kusoo biiray warabaahinta qaranka isagoo ahaa Wakiilkayaga dalka Uganda oo uu mudo jaamacad ka dhiganayay.

Maxamed Ibraahim Raage ayaa bilihii danbe usoo wareegay magaalada Muqidisho oo uu xarunta Warbaahinta ka howlgalayay waxa uuna ahaa wariye aad u firfircoon islamarkaana ah wadani ay ka Go,antahay dib yagleelida qaranimada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com