Dunidu Digteytar Wey Udarsan Doontaa.W/Q Wariye Maxamed Ciise Koonaa

0

MaqaalWadanka soomaliya waxa uu kamid ahaa xoriyad kaqadashadii gumeystihii soomaray kadib wadamada lagu tiriyo in eey yihin kuwa kuhoos nool talis kaligii talisnimo ah oo uu xiligaasi hogaanka uhayay Allaha U Naxariistee Madaxweyne Jaale Maxamed Siyaad bare .

Soomaliya haba lagu tilmaamo wadan uu hogaamiyo xiligaa Digteytar hadana waxa ay umuuqatay wadan kabidhaamayay Qaarad weynta afrika waxa ayna gaadhay heer ah in lasiiyo tilmaamta ah libaaxa afrika .

Dalkeenu waxa uu yeeshay inta uu jiray taliskii milatariga warshado badan oo lagu manaafacay kuwaa oo lagu faani karay sida warshadii taraqa iyo sigaarka .midii dharka,tii kaluunka laasqori.iyo ciidan xoog badan oo sida uu jaanta iskula helayo caalmaka u arkayay libaax moora geel kabuxo militari mugweyn uu soo dhax galay.

Xasuusaha macaan ee militaarkeenii uu udhigay caalamka ayaa waxa kamid ahaa in mid kamida ciidamada difaaca cirka uu magaca soomaliya kusoo xardhay samada isaga oo kusoo qoray far waaweyn oo markaa cidii cirka eegtaahiba ay ka arkeysay magaca soomaaliya sidookle waxa lagu xasuusa doonaa hagardaamooyin badan oo maanta aanan iska celi karin in taliskeenii hore uu ahaa mid fashilin jiray har iyo habeen halka maanta kii soomaliya dan kalehba uu kafushan karo.

Shacabka dalkeena oo nabad kunaaloonayay ayaa marqura siyaasado qalafsani oo Aaminsanaa fikrad ah ladagaalan Digtaater waxa ay hilfaha uqadeen Dowladeenii xooganeyd taa oo qasabtay in xukunki bur buro dalkeeniina qar kadhaco

Hadaba Maxaa Laga dhaxlay Ladagaalankii Digteytar

Waxa aan usoo qaatay cinwaanka ah Digteeytar dunidu wey udarsa doontaa ayaa ah marka laga soo bilaabo 1990 kii majirin wax digteytar ah oo lasheego oo soomaray dalkeena ulajeedooyinkii looriday xukunkii dhexe wax kaduwan oo shacabka soomaliyeed ay arkeen majirin ilaa dhibaatooyin fara badan oo ay kamid yihiin,dil.dhac.kufsi.isbaaro. iyo wax kabadan kuwaa oo gabi ahaan aan la arki jirin xiligii dalkeenu uu dowlada lahaa balse la arakay bur burkii dowladii dhexe kadib .

Somali badan ayaa xiligaan aad udoneysa xukunkii milatari ee nasoo maray oo kutilmaamnaa Digteytar iyaga oo sheegaya in dunida dowladoodii oo kale aysa soomarin balse kafiirsasha la,aan ay kudumiyeen.

Dal walboo Digteytar waayay Waa Agoon Maanta

Kacdoon xoogan oo wata daacayad ayaa si toos ah waxa ubaahinayay warbaahinta reer galbeedka iyo dad aaminsanaa mabaadiidooda kuwaa oo lagula dagaashanaa kaligii talisnimada waxa ayna kadhacday wadama badan oo katirsan qaraada afrika sida .masar,tunisiya .yemen.libiya.siiriya . iyo kuwa badan .

Balse waxa ay haleeshay seefta ladagaalanka kaligi taliyaha madaxweynayaal ay kamid yihiin Mu.amar Gadafi,Xusni Mubarak.Cali Abdala saalax ,Zeinal Abidin bini ali kuwaa oo katalinayay wadamadooda sanadaad aad uabadan

Maxay Wadamada Carabtu Ka Faa,iideen Ceyrsashadii Madaxdooda

Wadanka masar tan iyo xiligii kursiga lala riday Madaxweynahoodii nidaam qaaboon oo isku xiran dowladnimana ay kamuuqato kama iftimeyn waxaana kadhacayay dhacdooyin lala yaabo sida in wax walba oo dhaca in lagu xaliyo dibad bax, dhawaan ayeey ahayd markii qaar katirsan ciidanka wadankaa laga soo daahiyay mushaarkooda kadibna ay kubaaqeen dibad bax halka iyaga laga sugayay in ay dibad baxayaasha ladagalaman si nidaamka Maxamed Mursi uu cagahiisa ugu istaago arinta banaanbaxana ujoogsato,

Dhanka wadanka liibiya si lamid ah wadanka masar ayaa iyaguna uga walaacsantahay ,yemen iyo Tuniisiya xaaladoda iyaguna waa iska bariga dhexe .

Gunaanadka Maqaalkeyga.

Waxaa cad oo uusan daah saarneyn in madaxdii afrika laga faafiyay dacaayad ah kaligii talsinima hadaba hala isweeydiiyee yaa hada hogaan dali umadax banaan yahay hadii uu ladagaalamay kaligii taliye? Jawaabta mafoga waa cidna .

Dad walba oo Dunida kunool hadii ay wada daraja doon yihiin madax hogaamisaa waligeed dhalan meyso hadii ay dhalatana waa kuwa lagu tilmaamo Digteytar,

Wadamada caalamka oo dhan inta madaxdoodii riday yaa hada kasheegi kara wadan toosan ilaa bur bur kuyimid wadankaa mooyee?

Cayaarta caalamka iyo cunista badan ee ceyshka afrika iyo carabta waxa ay noqo doonaan kuwa cududoodii lakala gooyo waxaana dal walba lagu kacshaa dadkiisa iyadoo madaxdooda looga dhigaa bahalo kii kursi jecel dhiig ayuu udaadshaa sida Digtetaradii kuwaa oo aan munaaqisho kagalin kursigooda ilaa dhimasho waxaana sidaa kubaxay hogaamiyaal caan ah halka wadanka siiriyana hada uu dhiigu qul qulayo waxaa aad looga naxaa in kooxaha kasoo horjeeda Bashar Alasad ay markii hore kadhaga adeegeen wada hadal ay lagalaan xukuumada siiriya .

markii ay arkeen in odagu uusan jeesaneyna dad badana ay dhamaadeen waxa ay sheegen in wada hadal ay rabaan .ma isleedahay inta dhiigaasu uusa daadan maxay uawada hadli waayeen markii duunyo iyo dakeediiba la,adeen inta ay heshiinayaan? Taa waxa ay kudhisan tahay jago jaceylka bin,aadanimo .

Waxa walba oo dunida soomaray ilaahoow kadhig kuwa dhibkoda aan loo aayin samaantana alaha dunida kusoo dabaalo digteytar waa loo darsa doonaa hadii sidaan afrika iyo carabtu sii ahaadaan .

W/Q Wariye …..Maxamed Ciise Koonaa.
Khortoum,sudan .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com