Daaroodnimo Ninki Doonayoow Buuhoodle, Taleex Iyo Kalshaale Iskugu Kaaya Keen.

0

MaqaalWaxaa awood oo dhan u sugnaatay Allaah subaxaanahu Watacaalaa,waxaana ka baryaynaa in dhamaan inta xanuunka Qabiilka ku dhacay ee fidneeya dadka Soomalaiyeed in quluubtooda isu soo duwo si loo bad baadiyo dalkeena iyo dadkeenaba.

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Hadaan usoo laabto qoraalkeygan aan doonayo in ummada Soomaaliyeed ay bal nala arkaan amaba nala fahmaan waxa lala doonayo in dalka iyo dadka dib loogu cesho.

Waxaa beryahan dambe la buun buuninayay arrimo aad looga naxo laguna qoslo ayna ku qoslaan inta caqliga iyo cilmiga saaxiibka u ah balse laga naxo marki aad aragto midaan caqli iyo cilmi saaxiib u ahayn oo kaarki lala ordayay lamarsanayo amaba dhankii la doono loogu rog roganayo.

Waxaa xaqiiqo ah in Daarood Ismaaciil ay yihiin dad wada dhashay isuna baahan marnabana aan kala maarmeeyn, balse waxaa jira dad marki ay xukun ama kursi waayaan xasuusta dadku waxa uu isu yahay iyo inaysan kala maarmeyn, haddaba dadkaas waxaanu leeyahay walaaleyaal haddii aad maanta doonaysaan oo ay dhab idinka tahay Daaroodnimada iyo Midnimo isugu kaaya keena Buuhoodle, Taleex iyo Kalshaale kii idiin dhow ama ay awoodiinu idiin saamaxayso inaad tagtaan, haddii aydnaan sadexaas magaalo oo ka tirsan maamulka Khaatumo State aydnaan doonayn inaad tagtaan Yaa Daaroodeeydan aad sheegaysaan waa beene ilma adeerayaalow waanu isnaaqaane aan kala daneeysano, idinkana ceshan meeyno cidaad kaarkan beenta ah marsan kartaan marsada.

Ninkii rodolka miisaama ee kiilo raajiciya
Ee raasamaalkuu helaa rubuc ka hooseeyo
Xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra’yigu maaha?

Ummada Soomaaliyeed waxa ay soo mareen 22-kii sano ee la soo dhaafay marxalado kala duwan kuwaa oo isugu jiray xili ay socdeen dagaalo sokeeye iyo xili lagu jiray dowladdo KMG ah, intaba waxaa ummada Soomaaliyeed loo qabtay shirar dib u heshiisiineed oo dowladda walbaa oo KMG ahi ay qabaneysay, dhibtan iyo colaadan hadda la hurinayo amaba seeriga loogu qaatay ujeedkeedu ninki caqli iyo cilmi saaxiib u ah waa uu garan karaa kii kale ee aan garan karina waa yeelkiiye, waxaan idinkula talinayaa haddii aad ogeydeen dadka Soomaaliyeed oo laba indhood leh maanta dadka Soomaaliyeed afar indhood ayay leeyihiine weelkan idiin buuxsamay ameydnaan iska daadin oo dharagtan aydnaan ku badalan gaajo iyo qax hor leh.

Leg ninkii cunsiiyay dishaa liidda doqoneede
Ladnaantiyo nimcadu uunka way wada lugoysaaye
Waa waxa rag igu laacayaa laxam dhaqaaqaaye

Haddii aad ogeydeen shalay inaan xabada iskaga kiin dhigi jirney, maanta xabada isku dhigi meeyne armeey roon tahay inaad durbaankan iyo seerigan colaadeed intaad iska dhigtaan oo si tartiib ah oo aan colaadi ku jirin inaad dadka Soomaaliyeed wax kula qeeybsataan, ninki caqli iyo cilmiba leh amaba ay ku jirto inyaroo garasho Soomaalinimo ah waa uu fahmayaan waxaan ka hadlayo kii kale ee aan fahmina waqti ku dhumin maayo.

Waxaanse garan waayay oo aan aad ulla yaabay Durbaankan iyo seerigan colaadeed ee aan lalla taagan yahay meel walba ee aan lalla istaagi karin magaalada Gaalkacyo maxaa sababay? Gaalkacyose maxay ugga duwan tahay Xamar iyo Kismaayo oo u diiday durbaanka colaadeed? Waxaa kaloo isweydiin mudan waatan taageerada Kismaayo ee idaacdaha lala taagan yahay ee la leeyahay Hawiye kama hadli karo, maxaa loola istaagi waayey taageerada Khaatumo State idaacadaha oo loo oran waayay Isaaq kama hadli karo arrimaha Khaatumo State amaba waa inay ka baxaan dhulka Khaatumo? jawaabtaa dadweynoow adinkaan idiin daayay.

Sida muuqata rag Kismaayo hadda ku sugan ayaa haadaan laga tuurayaa oo la doonayaa in god lagu rido, oo dhamana ummada Soomalaiyeed looga abuuro cadaawad iyo colaad si ay dalka ugga qaxaan amaba ugga barakacaan  warkooduna waxuu ku dnabeen doonaa sida muuqata.

Lado caanaheediyo anoo labanka fuudaaya
Niman baa i looyaamiyoo ii lalabay fiide
Yaanan libinba geynine haddaan kaa lug baxo maanta
Wallee aniga oo ladan bulshoy kuguma soo laabto

Waxaan ku soo gabagabeenayaa qoraalkeeygan ummada Soomaaliyeed maanta waxa ay ka mideysan yihiin inay tageeraan cid walba oo u horseedaysa dhabaha Midnimadda, Nabada, Cadaaladda iyo Horumarka, waxaana ka go’an difaaca  nuurka yar ee Dowladdnimo ee u ifaya dalka iyo dadkaba ee ameey roon tahay dadka Soomaaliyeed inaad dhinacii kasoo Raacdaan.

Cirku wuu daruureynayaa gooru di’i yaa og
Waa la ii dardaar weriyey ee darajadey yaa og
Anigiyo  Qaran Diid midkii dhiig ka di’i yaa og?

Xasan Faarax Cali
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com