Xukuumada Oo Ciidamo Gaar Ah U Diyaarisay Amniga Magaalada Muqdisho.

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Tan iyo wixii ka danbeeyay weerarada kala duwanaa ee todobaad hore ka dhacay magaalada Muqdisho oo galaaftay nolasha dad ku dhaw dhaw 40 ruux ayeey xukuumada Soomaaliya si rasmi ah uga dhawaaqday in ciidamo si gaar ah u tababar ka howlgali doonaan magaalada Muqdisho.
C/kariin Xusseen Guulleed wasiirrka amniga xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadan oo ah kuwo si gaar ah loo soo xullay ka qeyb-qaadan doonaan sugida amniga magaalada Muqdisho, iyaga oo sameyn doona ayuu yiri howlgal joogta ah oo wax looga qabanayo nabad-galyada caasimada.
“Ciidamadan waxay isugu jiraan kuwo dalka gudihiisa lagu tababaray iyo kuwo dalka dibaddiisa ku soo tababaray, waana ciidammo ka duwan kuwii hore, waxayna howlgeli doonana toddobaadka soo socda,” ayuu wasiirku ku yiri war uu siiyay warbaahinta Muqdisho.
Waxaa uu sheegay wasiirrka in ay ciidamadan yihiin kuwo ay u dhameysan yihiin dhamaan qalabkoodii millitari, waxaana uu sheegay in uu kalsooni badan ku qabo in wax badan ka badalli doonaan amniga magaalada Muqdisho.
”Kalsooni badan ayaa ku qabnaa in wax badan ciidamadan ka badalli doonaan amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ma’aha oo kaliya weerarada Al-shabaab iyo falalka argagixiso in ay u taagan yihiin in ay wax ka qabtaan ee sidoo kale waxaa ay sugi doonaan nabad-galyada dadka rayidka ah iyaga oo gacan adag ku qaban doona cid kasta oo isku deyda in ay wax u dhinto nabad-galyada shacabka,” ayuu yiri C/kariin Xusseen Guulleed.
Waxaa uu sheegay in wasiirrka in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka soo wici doonaan ciidamada NO hore ee ciidamada lagala xiriiri jiray ee 888 [Oto-Oto]
Qorshaha xukuumada ee wax looga qabanayo amniga magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xiliwali hanjabaado kala duwan ka soo yeerayaan horjoogayaasha Al-shabaab oo sheegay in ay qaadi doonaan weeraro la mid ah kuwii todobad hore.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com