Ciidamada Dowlada Oo Saaka Baaritaano Ka Sameeyay Xaafadaha Degmada Xamar Jajab Ee Magaalada Muqdisho.

0

nabadsugida 2

Muqdisho (AGGM): Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka waxa ay baaritaano xoogan ka sameeyeen degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir kadib falal amni darro oo habeenadii danbe ka dhacayey degmadaas, waxaana ugu dambeeyey bam gacmeed habeenkii xalay ahaa lagu tuuray Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada X/jajab kaasoo dhaliyey dhimashada 1 ruux oo rayid ah iyo dhaawaca 2 kale.

Ciidamada ayaa saaka aroortii hore ku jarmaaday xaafadaha iyo wadooyinka inta badan degmada X/jajab ee gobolka Banaadir waxaana ciidamo fara badan oo iskugu jiray boolis iyo nabad sugid lagu arkayey iyagoo baaritaan xoogan ka wada xaafadaha ay ka kooban tahay demada Xamarjajab.

Ciidamada ayaa saaka joojinaya gaadiidka dadweynaha ee isticmaala wadooyinka degmadaas waxaana ay dadka rakaabka ah ku amrayaan iney dhulka usoo dagaan iyagoona qof qof baaritaano ugu samaynaya dadka gaadiidka saaran iyo kuwa wadooyinka lugeynaya.

Xaafada ayaa saaka si weyn loogu arkayaa ciidamada dowlada ee hawlgalka ka wada degmada Xamar jajab ayaa waxaa ka mid ah xaafadaha Muundada Koowaad iyo “Baar-ha idhaafin” wali macada tirada dadka ay ciidamadu hawlgalka kusoo qabqabteen ,waxaana lagu wadaa in saraakiisha ciidamadu ay warbaahinta la hadlaan marka uu soo dhamaado hawlgalka ay hada ku jiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com