Shirkii Golaha Wasiirada Oo Lagu Ansixiyay Xeerka La-dagaalanka Argagixisada.

0

IMG_4291 (51)Muqdisho (AGGM): Shirkii golaha wasiiirada oo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa manta waxaa lagu ansixiyay xeerka cusub ee la dagaalanka argogixosada, ayadoo sidoo kale lagu magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska.

Kulankan golaha wasiirada ayaa looga dooday laguna ansixiyay Xeerka La-dagaalanka Argogixisada oo kamid ah qorshaha cusub ee dawladdu ku doonayso inay kula dagaalanto kooxaha argogixisadaa ayna ku hananato gabi ahaanba amniga dalka Soomaaliya. Xeerkan ayaa lagu wadaa inuu dhawaan gaaro ayna ay ansixiyaan Baarlamaanka Federaaliga ah ee Soomaaliyeed.

“Xeerkani waa mid muhiim ah oo qeyb ka ah qorshaha dawladdu ay kula dagaalamayso argogixisada isla markaana ay ku doonayso in ay si buuxda ugu hano guud ahaan amniga dalka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo gudoominayay shirkii golaha wasiirada maanta.

Isla fadhigan ayaa goluhu waxaa uu ku magacaabay safiirka cusub ee dalka Soomaaliya u fadhiya Ingiriika Danjire Cabdullahi Maxamed Cali – oo ku magac-dheer Sanbololshe, kadib markii ay soo gudbisay Wasaarada Ariimaha Dibaddu. Waxaana ay goluhu ku tilmaamay tilaabada magacaabista danjiraha cusub mid kor loogu qaadayo iskaashiga labada wadan ayadoo dhawaan ay dalka Ingiriisku safaarad ka furteen Soomaaliya.

Waxaana goluhu cadeeyeen in Danjire Cabdullahi Sanbololshe yahay wadani u qalma inuu matalo danta Soomaaliyeed ayna ku kalsoon yihiin inuu masuuliyadiisa si buuxda u gudan doono.

“Magacaabista danjire Cabdullahi Sanbololshe waxay ahayd mid loo baahnaa, qeyb lixaad lehna ka qaadanaysa siyaasada arrimaha dibada gaar ahaan xoojinta cilaaqaadka wacan ee u dhexeeya dalka Ingiriiska iyo Soomaaliyal” ayuu yiri Ibrahim Isaaq Yarrow, wasiir ku xigeenka Wadaarada Warfaafinta oo saxaafda la hadlay kullankii golha wasiirada kadib. Waxaana uu intaas ku daray in magacaabistiisu muhiimad gooni ah leeday maadaama uu dalka Ingiriisku qabanayo shir Soomaaliya lagu gargaarayo 7 da bisha Meey.

Ugu danbeyntii, Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa gollaha soo hor-dhigtay qorshaha dib-u habaynta wasaarada iyo xeerka shaqaalaha dibada (foreign service law).

Qorshahan oo ay soo bandhigeen khubaro ka socota wasaarada ayay si buuxda u qeexaya siyaasada arrimaha dibada ee dalka, waxaana uu ahaa mid laysla qaatay.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com