Saraakiisha Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Bay Oo Sheegay In Ay Deegaanno Cusub Kala Wareegeen Al Shabaab.

0

Baydhabo27Baydhabo (AGGM): Saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Bay ayaa sheegay in deegaanno cusub oo ka tirsan gobollka Bay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab kadib dagaallo culus oo saacadihii aynu soo dhaafnay dhaxmaray labada dhinac.
Col. Xassan Baydhabo oo ah taliyaha ciidamada dowladda ee gobollka Bay oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in dagaal saacadihii aynu soo dhaafnay ku dhaxmaray ciidamada dowladda oo garab militari ka hellaya kuwa Itoobiya kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo hoos taga gobollka.
Waxaa uu sheegay goobaha ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku xoog badnaayeen ama saldhigyo ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab, isaga oo intaa raaciyay in ciidamadu ku sii jeedaan deegaannada kale ee wali ku sii harsan yihiin Al-shabaab.
”Mar hore ayaan dajinay qorshaha ka dhan-ka ah Al-shabaab ee looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihii guud ahaan gobollada Bay iyo Bakool, hadda gobollka gobol Bay deegaanno goob ay kaga sugan yihiin,” ayuu yiri Col Xassan Baydhabo oo ah taliyaha ciidamada dowladda ee gobollka Bay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ka hadllaya dagaallka la sheegay in saacadihii aynu soo dhaafnay uu ka dhacay gobollka Bay iyo deegaannada lagala wareegay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com