Falaagada Al Shabaab Oo Si Kulul Uga Hortimid Cambaareynta Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha.

0

CALI DHEEREMuqdisho (AGGM): Kadib eedeymo is daba joog ah oo maalmihii ugu danbeeyay u soo jeedinayay hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha kooxihii ka danbeeyay weerarkii Axadii aynu soo dhaafnay ka dhacay Muqdisho, ayaa waxaa arintaa siweyn uga horyimid kooxda Al-shabaab oo sheegtay in aysan aqoosaneyn hay’adda  u doodaan xuquuqda aadanaha.
Afhayeenka kooxda Al-shabaab Cali Max’uud Raagge oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay aysan jirin hay’addu u dooda xuquuqda aadanaha, laakiin waxaa uu sheegay in og-yihiin oo kaliya kooxo difaaca danaha sida uu hadalka u dhigay gaalada, isaga oo sheegay in hay’addaha noocaas oo kale ah u sineen bulshada ku dhaqan caalam-ka.
”Ma aqoonsanin wax la yiraahdo hay’addo u dooda xuquuqda aadanaha, waana kuwo u adeegaya dadka aan muslimka ahayn, waxaana taas caddeyn u ah marka ay ka hadlayaan dadkii ku dhintay weerarkii Maxkamadaha, maxay uga hadli waayeen markii guryaha Muqdisho madaafiicda lagu garaacayay, taangiyada dadka la dar-darsiinayay, ilmaha saqiirrada ah la gawracayay, maydadka dadka muslimiinta ah waddooyinka ay daadsanaayeen, “ ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in hay’addaha noocaas oo kale mar walba u taagan yihiin ay difaacaan danaha cadawgga, waxaana uu intaa ku darray in sababta ay camaareynayaan weerarkii maxkamada gobollka Banaadir ay tahay kadib markii ay arkeen wixii ay dhoodhoobayeen gaallada oo la bur burinayo.
“Sida aad la soctaan cid walba oo dagaalama oo dhaqaale iyo hub isku-keena wuxuu leeyahay ujeeddooyin uu xaqiijinayo, kuwaasoo ah inuu fikirradiisa ka dhaadhiyo shacabka, ciidanka cadawga ah ee waddankeena kusoo duulay iyo la shaqaysana ujeeddadoodu waxay tahay inay dadka ku xukumaan wax aan shareecada ALLE ahayn, goobta xukunkaas iyo shaqadaas ku fulinaayaanna waa meeshan ay maxkamadda ku magacaabeen, waana halkaas meesha aan ku duulnay si aan u duminno ujeeddadaas,” ayuu Sheekh Cali Dheere kusoo gabgabeeyay hadalkiisa.

Hay’adda Huma Rights Wacth ayaa ku sheegtay weerarkii Axadii aynu soo dhaafnay loo aqoosanayo danbi dagaal.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com