Dalka Jabuuti Oo Ciidamo Dheeri Ah Usoo Direysa Soomaaliya.

0

jabuutiDjabuti (AGGM): Dowaldda dalka Jabuuti ayaa qorsheeneysa sidii ay Ciidamo dheeri ah ugu soo diri laheyd gudaha dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Mudane Idiris Arnaa’ud Cali.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada ay siinayso Dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in Baarlamaanka dalka Jabuuti uu diyaarinayo Ciidamo dheeri ah oo loo diro gudaha dalka Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka noqon doona howlgalka AMISOM.

Idiris Arnaa’ud Cali Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa dhinaca kale ku baaqay in wadamada caalamka ay sii kordhiyaan taageerada ay siinayaan dowlada Soomaaliya, si loo soo afjaro xaaladaha weli ka taagan Soomaaliya, isla markaana loo kordhiyo Awoodo Dowlada Federalka Soomaaliya.

Dowlada Jabuuti oo ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa dhawaan saanad Millitary oo isugu jira Hub iyo gawaari gaashaaman ugu deeqday dowlada federalka Soomaaliya, iyadoona sido kale maalintii shalay dalkeeda tababar ugu soo gaba gabeesay ciidamo ka tirsan dowlada soomaaliya kuwaasi oo in muddo ah halkaasi ugu socday tababar ciidan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com