Ra’iisal Wasaaraha Oo Qaabilay Wafdi Sare Oo Ka Socday Midowga Yurub.*Daawo Sawirada*

0

IMG_6618Muqdisho (AGGM): Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday midowga Yurub kaasoo ay hogaamineysay agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyo xubno ka socday dawladda Biljigamka. Gabagabadii kulanka ayaa waxaa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay Ra’iisal Wasaaraha Saacid iyo agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha dib-u dhiska  iyo tayeyntooda ciidamada Soomaaliyeed, xasilinta gobolada iyo horumarintooda dalka iyo waliba dib-u dhiska hay’addaha maamulka maaliyadda,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dawladdu ay dhaqangelisay sidii nidaam hufan oo maaliyadeed loo sameyn lahaa, ayna ka codsadeen midowga Yurub inuu gacan ka geysto sidii looga gun gaari lahaa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dhowaan ay la siixan doonaan midowga Yurub heshiis iskaashi iyo horumarineed kaasoo loo yaqaano – Cotonou agreement, wuxuuna xusay in heshiiskani uu faa’iido u leeyahay dadka iyo dawladda Soomaaliyeed. Waxaa uu intaas ku daray in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageeri doono horumarinta dhismaha hay’addaha dawladda iyo soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhanka kale, agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeysay xasuuqii argagixisada ee 14-kii bishan ka dhacay maxkamadda gobolka Banaadir kaasoo ay kooxaha Al-Shabaab u geysteen dadka rayidka ah.

“Wadahadaladeenu waxay ahaayeen kuwo miro dhal ah, waxaana halkan ka cadeynayaa in Midowga Yurub uu taageero buuxda la garab taagan yahay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayay tiri agaasimaha waxayna dhanka kale xustay in ay sidoo kale taageero buuxda u hayaan howl-galka nabad illaalinta AMISOM kuna taageerayaan dhaqaale.

–Dhamaad—

IMG_6618

IMG_6624

IMG_6605

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com