Ciidamada Jabuuti Oo Qarax Lagula Eegtay Gudaha Magaalada Baladweyne.

0

Baladweyne2Baladweyne (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee ku sugan magaalada Baladweyne Qarax bambo lagu weeraray Maanta xilli ay marayeen bartamaha Suuqa Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxaan ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah, mana jirto wax qasaare oo kasoo gaaray Ciidamada Jabuuti ee weerarkaasi lala eegtay, sida uu warfidiyeenada u sheegay Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan Cismaan Dubad.

Qaraxa kadib waxaa hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii suuqa ganacsiga ee Magaalada Baladweyne, iyadoona Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowlada ay sameeyeen baaritaano la xariira qaraxaasi, inkastoo aysan dhicin cid loo qabtay illaa iyo haaatan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaan, balse waxaa lagu tuhmayaa in ay ka danbeeyaan kooxo xiriir la leh Xoogaga Al-shabaab ee iyagu dagaalka kula jira Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada garabka siiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com