Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Weji Cusub Ah In Dowladda La Galeyso Al Shabaab.

0

xasan sheekh11Muqdisho (AGGM): Waxaa habeenimadii xalay kulan isugu yimid Guddiga Amniga Qaranka Soomaaliya, shirkaas oo ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxaa shir-guddominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, waxaana looga hadley sidii looga hortegi lahaa weerararda al-Shabaab iyo wixii ka dhacay Muqdisho maalintii Axadda, Shirkan ayaa looga dhawaaqay waji cusub oo ay kula dagaalami doonaan kooxda Al-shabaab.

Shirka kadib ayaa waxaa warbaahinta Qaranka shacabka kala hadlay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo u tacsiyeeyay dadkii dhintay.

“Intii dhimatay Allaha unaxariisto, maalin walbana xanuunkaan oo kale wuu nasoo gaarayaa, war waa cadaw aan wada leenahay, war waa cadaw aan qofna reebeyn, dadku meel ha’uga soo wada jeestaan” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha oo hadaladiisa ay ka kul kululaayeen sidii horay looga bartay, ayaa waxaa kaloo uu sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab uu galay waji cusub, shacabkana ka codsaday in doowlada dagaalkaas garab lagu siiyo.

“Dagaalkooda mudo wuu soo socday, waji kale ayuuna maanta yeeshay, dadka Soomaaliyeedna wajigaas cusub ee dagaalka, waa ineey u diyaar garoobaan, dhawaan waxaad arki doontaan dadaalo badan oo doowlada ka samayso magaalada Muqdisho, oo nimankaan lagula dagaalamayo, doowlada iyo Ciidankeeduna waxay garab ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, doowlada waxa ka go’an xoog iyo xeelad iyo caqli waxay hayso ineey nimankaas kula dagaalanto” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo shacabka si gaar ah ula hadlayay, ayaa hadalkiisa sii daba dhigay sidan “Colaada shabaab, iyo gumaadka ay shacabka ku haayaan waa nagu dheeraataye, yeeynaan ukala harin, nuuca dagaalka ah ee aad maanta aragteen wuxuu calaamad u yahay shabaab ineey jabeen, ineey guul dareysteen, ineey waayeen kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, waa inaan dadajinaa guuldaradooda,waxaana naga xigta hadba sida aan isu kaashano”.

Weerarkii shalay waxaa canbaareeyay guud ahan shacabka Soomaaliyeed eek u nool dalka iyo dibadda, waxaa kaloo si kulul u canbaareeysay QM.

War kasoo baxay xafiiska QM ee magaalada Muqdisho, uuna ku saxiixnaa ergayga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Augostine Mahiga, ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay garab taagantahay Dowlada Soomaaliya, waxaana lagu canbaareeyay werarkii ka dhacay magaalada muqdisho.

Weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa uu ahaa mid gil-gilay amaanka, waxaana xanuunka ugu badan uu kasoo gaaray bahda hay’adaha garsoorka Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyo ehelada Ciidamadii ilaalada ka ahaa dhismaha Maxkamada oo badankood ku dhintay weerarka.

In kabadan 30 qof ayaa ku dhimatay halka dad kor u dhaafaya 50 qof oo kalana dhaawac ayaa soo gaaray, weerarka ay kooxda al-Shabaab shalay ku qaadeen xaruunta Maxkamada gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku yaalaan xafiisyada hay’adaha Garsoorka iyo Cadaalada doowlada Federaalka Soomaaliya.

Dadka weerarka ku dhintay, waxaa kujiray Allha u naxariistee, Prof. Maxamed Maxamuud Afrax, iyo C/kariin Xusseen Gorad, oo labaduba ahaa qareeno caan ka ah magaalada Muqdisho, iyo wariye Maxamed Xasan Xabeeb, oo horay uga tirsanaa raadiyaha Dowlada laakiin ahaa afhayeenka Maxkamada Sare, waxaa kaloo ku dhintay dad shacab ahaa oo halkaas u joogay dacwado kala duwan iyo arimo kaga xirnaa xafiisyada doowlada.

Waxaa weerarka ka bad baaday madaxdii ugu sareysay Garsoorka iyo Cadaalada Soomaaliya, oo qaarkood markii uu weerarka dhamaaday dhismaha laga soo saaray.

Saraakiisha doowlada ayaa sheegay in qaar kamid ah raga weerarka geystay is qarxiyeen markii ay rasaasta ka dhamaatay, halka qaar kalena ay ku dhinteen is rasaaseyn ay la galeen Ciidanka doowlada.

Inkastoo magaalada Muqdisho ay kasoo hagaageyso sidii ay ahayd laba sanadood kahor, hadana weerarkii shalay ka dhacay xaruunta maxkamada gobolka Banaadir iyo mid kaloo lagu qaaday gaari ay wateen samafalayaal kasocda dalka Turkiga meel ku dhowr eelaboorka Muqdisho, waxay astaan u yihiin heerka ay gaarsiisantahay qatarta ay Argagixisada ku hayso shacabka, shaqaalaha doowlada, iyo ajnabiga ku sugan magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com