Drs. Deeqa Maxamed Siyaad Iyo Bahdii Hore Ee Kubadda Koleyga Oo London Ku Kulmey.*Daawo Sawirada*

0

gr6London (AGGM): Waxaa magaalada London todobaadkii dhawaa soo gaarey Drs.Deeqa Maxamed Siyaad Barre oo hore ugu soo mid ahaan jirtey ciyaartooydii hore ee gabdhaha kubadda koleyga kooxda ENC ee wakaalada Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana xaflad si heer sare loo soo agaasimey ugu qabteen hotelka caalamiga ah ee Gloucester bahdii hore ee kubadda koleyga dalka Soomaaliya ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.

Waxaana munaasabadan soo dhaweynta ah ka hadley macalinkii xulka Qaranka iyo kooxda ENC macalin Cabdiraxmaan Guhaad ”Shiino”. Macalin Laas, Marwo Xaawo Taako(LLPP/Jeenyo), Marwo Diib (Badda).Marwo Qaali (ENC),Marwo Shuute (ENC), Marwo Shukri Dhalbaas (Muqdisho) iyo Miski Cumar (LLPP/Jeenyo),waxaana iyana ka hadley Mudane Cabdi Dheeg.Mudane Dahir Cali, Mudane Cabdi Cumar, Mudane Yaasiin iyadoo qaar ka tirsan hobalada Qaranka ay heeso dhaweyn ah kaga luuqeyeen xafladatan fanaaniinta kale ah marwo Maryan Cali Muudey, Marwo Faadumina, Mudane Sayid Khaliifa iyo Mudane Gaadaco.

Dhamaantoodna waxay ka hadleen aqoontii ay u lahaayeen Drs.Deeqa Maxamed Siyaad iyo xiliyadii ay isboortiga ka soo dheeli jireen dalka Soomaaliya iyo waqtigii iskoolka ay wada dhiganayeen Muqdisho, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay arkaan kuna soo dhaweeyaan magaalada London walaashood Deeqa Jaalle Siyaad.

Ugu dambeyntiina waxaa halkaasi ka hadley marwo Drs.Deeqo Maxamed Siyaad Barre, run ahaantii aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahey walaalayaal soo dhaweynta iyo walaalnimada aad i muujiseen, waadna ku mahadsan tihiin dhamaantiin, waxaana caawa soo xusuustey taariikho badan aan hilmaamey aan isla soo qaadaney barisamaadkii, waxaana Allah ka baryayaa in marar kale farabadan na wada kulansiiyo, wadankeena nabad nooga dhigo, waxaana hada ku nool nahay wadanka Mareykanka, booqasho gaaban ayaana halkaan ku soo gaarey,si la mid ah tan caawa halkaan la igu soo dhaweeyay magaalada Stockholm wadanka Sweden, bahda isboortiga isku xirnaantooda iyo wadajirkooda aad baan ugu faraxsan nahey,waxaana rajeynayaa in dadka isboortiga ah dadkeena isku soo dhawaanshihiisa uu wax badan ka tari karo, waxaana idin leeyahay ka shaqeeya sidii caruurta Soomaaliyeed ee wadamadaan ku nool gacan loo siin lahaa islamarkaana loogu barbaarin lahaa sidii wadankooda ugu dheeli lahaayeen mustaqbalka ayay hadalkeeda ku soo koobtey.

Drs Deeqa Maxamed Siyaad Bare waxay aheyd ciyaartooydii hore ee kubadda koleyga degmada Shibis, markii dambane kooxda ENC ayay ka mid noqotey, balse markii ay jaamacada ka biloowdey magaalada Muqdisho ayay isaga hartey inay sii wadato cayaaraha.

Munaasabadaan waxaa xiriirinayay Mudane Maxamed Buuwe halka Cabdisalaam Muumin-a uu ka ahaa sawir qaade, waxaana ka soo qayb galey dad kooban oo lagu martiqaadey munaasabadaan lagu soo dhaweynayay gabar u dhaley hogaamiyihii umadda Soomaaliyeed marxuum madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Bare (AUN).

Munaasabadaan waxaa soo agaasimey marwo Miski Cumar oo ah gudoomiyaha gabdhihii hore ee kubadda koleyga wadanka Soomaaliya ee ku dhaqan wadamada Yurub.

gr6

gr7

gr2

gr18

gr17

gr16

gr14

gr15

gr12

gr13

gr5

gr

gr10

gr11

gr9

gr3

gr4

W/Q: Yusuf Yusuf
sspamedia.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com