Cali Maxamed Geedi Oo Dowlada Soomaaliya Ku Eedeeyay Taxadar La’aan.

0

KENYA SOMALIANairobi (AGGM): R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi,  ayaa waxa uu dhaliil u jeediyay dowlada Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud kadib weerarkii lagu hoobtay ee shalay.

Cali Maxamed Geedi ayaa ku tilmaamay dowlada mid aan ka digtoonaan digniingtii dhanka amaanka aheyd ee dowlada Ingiriisku ay soo saartay oo muujineysay in  Shabaab ay abaabulayaan wajigii ugu danbeeyay weeraro dad badan ay kula laayaan Muqdisho.

“Dowlada Soomaaliya waa ka gaabisay u hogaansamidda digniintii dowlada Ingiriiska. Dowladaha aduunyada marka digniin ay dhacdo feejignaan ayey muujiyaan oo waxa ay dowladaha lawadaagaan sirdoonka iyo wax kasta oo lagu baajin karo qasaraha baahsan”, Cali Maxamed Geedi, R/wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa soo jeediyay.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya waxa uu hoosta kaxariiqay in loo baahnaa in dowladu aysan dhaliilsan oo ay wax yar kasoo qaadin wax kasta oo amaanka laxariira oo aduunyada kasoo yeera.

Cali Maxamed Geedi waxa uu kula taliyay in ay arintii shalay ka dhigato dowlada Soomaaliya  casharro oo dhibaatooyinka nuucas oo kale aysan mar danbe kusoo laaban.

Shalay ayay ahayd markii weerarkii ugu xumaa tariikhda ee falaagada Al Shabaab ay dowladda ku gaadaan ayaa saacado waxa ay kula wareegeen xarunta maxkamada gobalka Banaadir iyaga oo dad bandanna ku laayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com