Hoowlgal Lagu Soo Qab Qabtay Ku Dhawaad 20 Ruux Oo Maanta Ka Dhacay Degmada Hodan Ee Magaalada Muqdisho.

0

nabadsugidMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya hoowlgalo dad lagu soo qabqabtay ay ka sameeyeen qeeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Hoowlgalkan ayaa inta uu socday waxay ciidamada xireen dhamaan wadooyinka soo gala kana baxa degmada Hodan, waxaana gabi ahaan la hakiyay isu socodka Gaadiidka dadweynaha.

Ku dhawaad 20 ruux ayaa hoowlgalkan lagu soo qabtay waxayna u badnaayeen dhalinyaro, waxaana dhamantood loo gudbiyay xarunta dambi baarista CID ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada Hodan oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in hoowlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amaanka,islamarkaana waxa uu sheegay in la sii deeyn doono dadkaas la qab qabtay cidii dambi lagu waayo.

Isku soo wada duuboo hoowlgaladaan ayaa imaanaya kadib marki shalay ay ka dhaceen magaalada Muqdisho weerar lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir halkaas oo ay ka dhaceen qaraxyo ay ku naf waayeen ku dhawaad 35 ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com