Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Sheegay In Howlgalki Maxkamadda Gobalka Banaadir Soo Dhamaaday.

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Xukuumaddda Soomaaliya ayaa ka hadlay weeraarkii maanta lagu qaaday xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen xarunta maxkamadda ayna ka soo sareen dadkii ku jiray.

Wasiirka ayaa tilmaamay in maleeshiyaadkii gudaha u galay xarunta ay ahaayeen 9 ruux kuwaas oo Lix ka mid ah ay is qarxiyeen halka Sadaxdii kale ay Toogteen ciidamada dowladda.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in goobta ay qaraxyada ka dhaceen ay haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda oo iskugu jira Nabad Sugidda, Booliska, iyo Milatariga waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan.

Mar wax laga weydiiyay wasiirka sida ay ugu suurta gashay maleeshiyaadka ka tirsan shabaab in ay gudaha u galaan xarunta Maxkamada gobolka Banaadir ayaa waxa uu xusay in ciidamada ay qabeen feejignaan balse goobtan aanan laga filaneen in ay isku miidaaminayaan maleeshiyaad ka tirsan shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale mar wax laga weydiiday qasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ayaa waxa uu xusay in haatan ay socdaan tirakoobka qasaaraha ka dhashay Qaraxii maanta dhawaana ay soo gudbin doonaan.

Ugu dambeytii C/kariim ayaa tilmaaman in ciidamada lagu amray in ay galaan heegan buuxo haatan amaanka caasimada dalka ee Muqdisho ay tahay mid wanaagsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com