War Deg Deg Ah: Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Oo 20-tan Maalmood La Xiray.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in caawa warki fiidnimo ee idaacada Radio Kismaayo laga sii daayay warmurtiyeed kasoo baxay horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Ogeysiiska ayaa caawa waxaa laga sii daayay idaacada Radio Kismaayo waxaana lagu sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo la xiray ayna dadka shacabka ah ka duuli karin kana soo dagan karin mudo dhan 20-tan maalmood.

Waxaan la ogeeyn sababta ku dhalisay horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inay warkan ka sii daayaan Idaacada Radio Kismaayo, iyadoo la ogsoon yahay in shalay ay garoonka diyaaradaha la wareegeen ciidamada Dowladda Soomaaliya  ee qeybta ka ahaa ciidamadi kala wareegay falaaagada Al Shabaab magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale caawa waxaa ka jira magaalada Kismaayo Rasaas cirka loo ridayo oo ay ridayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyadoo ilaa hadda aan la garaneyn ujeedka ay u ridayaan Rasaataas.

Isku soo wada duuboo marba marka ka dambeeysa ayaa waxaa mugdi sii galaya xaalada siysadeed iyo mida amniga ee magaalada Kismaayo, waxaadna hadda moodaa inay farahaba kasii baxayso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com