Ragg Ka Soo Goostay Falaagada Al Shabaab Oo Lagu Soo Bandhigay Degmada Garbahareey.

0

Garbahaarey1Garbahareey (AGGM): Saraakiil ka tirsan ururka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobolka Gedo ayaa maanta ku soo bandhigay magaalada Garbahaarrey saddex nin oo la sheegay inay ka soo goosteen kooxda al-Shabaab.
Afhayeenka maamulka Ahlu Sunna ee koonfurta Soomaaliya Maxamed Xuseen al-Qaaddi ayaa sheegay in ragga horay uga tirsanaan jiray Al-shabaab isku soo dhiibeen maamulka gobollka Gedo, isagoo intaas raaciyay in ay xog muhiim ah, oo ku saabsan shirqoollo iyo falal ka dhanka ah ammaanka ka heleen baxsadka al-Shabaab.
Ma’aha markii ugu horeysay oo maamulka gobollka Gedo ee Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaliya sheegaan in ay isku soo dhiibeen maleeshiyaadka ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, laakiin haddana horjoogayaasha Al-shabaab inta badan kama hadllaan sheegashada Ahlu Sunna iyo saraaakiisha dowladda.
Waxaa todobaadyadii ugu danbeeyay isa soo tarayay tirada maleeshiyada ka soo goosaneysa kooxda al-Shabaab oo lagala wareegay inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com