Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Oo Ay Ku Dhinteen Ku Dhawaad 20 Ruux.*Daawo Sawirada*

0

DSC08821Warbixin: Kudhawaad labatan qofood ayaa dhimatay tiro intaa ka badana waa dhaawacmeen kaddib laba qarax oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Koox hubeysan qaarkoodna ay is miidaamiyeen ayaa gudaha u galay maxkamadda gobolka Banaadir salaadda duhur ka hor xilli ay maxkamadda ka socdeen howlihii caadiga ahaa, albaadka hore qofbaa isku qarxiyay qaar kalena waxay toogteen dadkii ay gudaha kula kulmeen, ayagoo kaddib rasaas la koray dabaqa sare ee maxkamadda.

Dad lagu qiyaasay labaatan qofood oo ay ku jiraan ciidamo, garyaqaano, shaqaale iyo shacab ayaa ku dhintay weerarka, halka dhaawucu uu intaa ka badan yahay.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay dadkii shacabka ahaa iyo masuuliyiintii maxkamadda oo uu ku jiro guddoomiyaha maxkamadda sare Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf ay ka soo saaraan dhismaha maxkamadda, kaddib markii daaqadaha loo saaray jaranjaro xilli kooxihii weerarka geystay ay dhismaha ku jireen.

Goob jooge ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka weerarka geystay ay ahaayeen qiyaastii 9 qofood oo watay dharka ciidamada XDS kuwaas oo mid ka mid ah uu isku qarxiyay albaabka maxkamadda, kuwii kalena ay gudaha galeen, ayagoo rasaas ku bilaabay shacabkii iyo ciidamadii goobta ku sugnaa.

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay agagaarka maxkamadda intii ay socotay is-rasaaseyntii u dhaxeysay ciidamada ammaanka oo goobta gaaray iyo kooxihii maxkamadda ku jiray, dadka qaar ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay gaari ay lahaayeen ciidamadu. Ciidamada qalabka sida ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay maxkamadda ka saaraan kooxihii oo is-qarxiyay intooda badan qaarna ay ciidamadu toogteen.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Maxamed Xasan Xabeeb oo ka mid ah shaqaalaha Maxkamadda horayna uga soo shaqeeyay warbaahinta madaxa bannaan iyo tan dowladda, Qareen Maxamed Maxamuud Afrax oo ahaa abuukaatihii u dooday wariye C/casiis C/nuur Ibraahin iyo Abuukaate kale oo lagu magacaabo Gorod sida ay xaqiijiyeen wariyeyaal goobta tagay.

Qarax labaad ayaa isla maarnta ka dhacay degmada wadajir ee gobolka Banaadir waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay afar qofood oo laba ka mid ah ay yihiin shaqaalaha Turkiga ah ee ka howl gala magaalada Muqdisho, labada kale midkood waa haween halka midka kale lagu sheegay inuu ahaa ilmo yar.

Weerarkaan oo lala eegtay gaari ay wateen shaqaalaha turkiga waxaa ku dhaawacmay in ka badan shan qofood, goob joogayaal ayaa sheegay in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lala eegtay gaariga ay wateen Turkida oo ka ag-dhawaa guri ay deggan yihiin oo ku yaalla agagaarka Garaashka Xaaji Dool oo ku dhow Hoteel Peace oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaan ayaa la geeyay isbitaallada magaalada, ayadoo waddooyinka magaalada maanta ay ku badnaayeen dhawaqa gaadiidka gurmadka iyo rasaastuba.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxyada iyo weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee lagu qaaday Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhawaan sheegtay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay damacsan yihiin inay weerarro ka fuliyaan magaalada Muqdisho, ayagoo muwaadiniintooda uga digay inay tagaan magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com