Maamulka Caabudwaaq Oo Sheegay In Aan La Ogolaan Doonin Hubka Sharci Darro Ah Lagu Dhax Wato Magaalada.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Maamulka degmada  Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in aysan aqbali doonin islamarkaana mamnuuceen hubka sharci darrada ah lagu dhex qaato gudaha magaalada Caabudwaaq madaxa arimaha bulshada maamulka degmad Caabudwaaq ayaa sheegay iney amaro adag ka soo saareen dadka hubka sharci darrada ah ku dhex qaata magaalada.

Madaxa arimaha bulshada degmada caabudwaaq ayaa sheegay in dhamaan shacabka degmada ay ku amreen inaan hubka aan lagu dhex wadan karin gudaha magaalada marka laga reebo ciidanka amaanka ee maamulka degmada,wuxuuna tilmaamay iney bilaabeen dhaqan galiyeen amarkaas.
Wuxuuna sheegay in amarkani uu ka danbeeyey kadib markii maalmihi danbe ay magaalada ka dheceen falal lidi ku ah amniga degmada si arintaas looga gaashaantane wuxuuna tilmaamay iney heegan galiyeen ciidanka amaanka degmada oo hawlgalo ballaaran ka wada gudaha magaalada iyo daafaheeda.

Madaxa arimaha bulshada maamulka degmada Caabudwaaq Khaliif Cabdi Samad ayaa daboolka ka qaaday in ay sii wadayaan hawlgalada ay ku xaqiijinayaan amniga degmada iyo deegaanada hoos yimaada,wuxuuna tilmaamay in degmadu ay leedahay ciidan qalabeysan oo ku filan hanashada nabadgalyada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com