Maanta iyo Xaalada Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galguduud.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in dhaqtarki la afduubay ay afduubeen laba nin kadib marki ay doonayeen inay u gacan gashaan hogaanka ismaamulka Soomaalida ee kilinka shanaad.

Xaalada caafimaad ee dhaqtarka ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan, wararka qaar aya waxa ay sheegayaan in uu geeriyooday dhaqtarka kadib dhaawici soo gaaray, halka warar kalena ay sheegayaan inuu dhaawac yahay oo ay xaaladiisu aad u liidato.

Shacabka ku dhaqan magaalada Caabudwaaq Culumaa’udiinka, Aqoonyahanada Odoyaasha Dhaqanka ururada dhalinyarada  iyo Haweenka ayaa  Dibadbax looga soo horjeedo arintan waxa ay ka muujiyeen caro xoogan kadib marki labada nin ee afduubka u geeystay dhaqtarka sida ay sheegeen jabiyeen xeerka dhaqanka Soomaaliyeed, waxa ayna maamulka magaalada ee dowladda ka dalbadeen in ragaasi la horkeeno sharciga lana mariyo ciqaabta ay mudan yihiin.

Gudoomiyaha maamulka cusub ee dowladda Soomaaliya ee magaalada Caabudwaaq Axmed Jaamac Dhirif ayaa sheegay in uu aqbali doonin cid walba oo qatar galin karta amniga iyo kala dambeeynta ka jirta magaalada Caabudwaaq ayna talaabo ka qaadi doonaan cidi ku xad gudubta sharciga.

Axmed Jaamac aya waxa kale oo uu sheegay in ay ku raad joogaan raggi afduubka u geeystay dhaqtarka dhawaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan ciqaabta sharcigana la marin doono.

Magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay tahay magaalo aad u nabdoon balse ay jiraan dad tiro yar oo doonaya inay fidno iyo foowdo ka abuuraan iyagoo ujeedooyin kale leh.

Isku soo wada duuboo maanta waxaa dagan gabi ahaan jawiga magaalada caabudwaaq, waloow ay ciidamada amaanka ku raad joogaan raggi afduubka u geeystay dhaqtarka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com