Hay’ada Lacagta Aduunka Ee IMF Oo U Ogolaatay Soomaaliya Xubinimadii Hay’ada Mudo Dheer Ka Dib

0

Cabdisalaam_HadliyeNairobi (AGGM): Hay’ada lacagta aduunka ee (IMF) ayaa u aqoonsatay soomaaliya xubin ka mida ka dib sanado badan oo ay ka maqnayd, balse hay’adu waxay sheegtay inaysan soomaaliya siinayn wax dhaqaale ah tan iyo inta ay ka bixinayso daymo fara badan oo lagu lee yahay, Gudoomiyaha bangiga dhexe ee soomaaliya prof C/salaan xaaji hadliye cumar oo la hadlayay warbaahinta isagoo ku sugan nayrobi.

Ayaa sheegay in talaabadani ay tahay mid mihiimad wayn ugu fadhida soomaaliya.

”Talaabadani waxay fududaynaysaa in soomaaliya si sharci ah ay lacago ku soo daabacan karto, Inay ka qaybgali karto shirarka caalamiga ah ee (IMF) oo midkiisa ugu horeeya uu ka dhacayo magaalada washington Iyo in daymaha lagu lee yahay laga cafiyo” ayuu yidhi gudoomiyaha bangigia dhexe ee soomaliya c/salaan xaaji hadliye cumar Soomaaliya ayaa mudo 22 sano ah ka maqnayd ka mid noqoshada hay’ada IMF- ta oo dunida uqaabilsan bixinta daymaha iyo samaynta lacagaha.

Balse soomaaliya ayaa lagu lee yahay dayn gaadhaysa 352- milyan oo dollar maraykan ah, taas oo laga doonayo inay iska bixiso.

”Qorshahan waa mid soo bilowday markii madaxwaynaha soomaaliya uu socdaalka ku tagay washington, imika ayuuna soo dhamaaday.

Runtii waa guul ay gaadhay dowlada soomaaliya ayuu prof xaaji hadliye oo VOA waraysi dheer siiyay.

Sidoo kale wuu sheegay gudoomiyaha bangiga dhexe ee soomaaliya prof C/salaan xaaji hadliye cumar, in tani ay ka caawinayso soomaaliya sidii looga hortagi lahaa isbadelada aan salka lahayn ee shillinka soomaaliga iyo in aan lacago been abuur ah lagu soo samayn meelo dunida ka mid ah.

Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee soomaaliya sanadkii1991 waxa lacagaha soomaaliga lagu soo samayn jiray dalalka dunida ka mid ah, iyagoo aanan soo marin hay’ada IMF-ta  taas oo keentay in sarifka sixirku uu noqdo mid maalinba heer jooga.

Dowlada soomaaliya ayaa waxay mudooyinkii ugu dambaysay waday sidii ay u hagaajin lahayd habkeeda dhaqaale.

Waxaan socda dadaalo lagu doonayo inuu dhaqalaha dalku noqdo mid fadhiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com