War Deg Deg Ah: Caawa Oo Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada Caabudwaaq Iyo Maanta Oo Dhaqtar Lagu Afduubay Gudaha Magaaladaasi.

0

breaking_news-620x3301Caabudwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in caawa Abaarihi sagaalkii fiidnimo ay ciidamada booliska dowladda Soomaaliya ay bandaw kusoo rogeen magaalada Caabudwaaq.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ciidamada booliska ay gabi ahaanba albaabada iskugu dhufteen dhamaan goobihii ganacsiga ee magaalada Caabudwaaq.

Warar horudhac ah oo ka soo baxay sababaha keenay bandowga ayaa waxaa lagu sheegay in caawa magaalada uu ka jiray hoowgal ay fulinayeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee degmada Caabudwaaq.

Hoowlgalkan ay ciidamada Booliska wadeen ayaa waxa looga dhaawacay labo askari, kadib markii uu rasaas ooda uga qaday, shaqsi kamida shacabka degmada.

Arinimahaan iyo xiisadahaan ka aloosan caawa magaalada Caabudwaaq ayaa kadanbeysay kadib markii maanta magaalada Caabudwaaq afduub loogu gaystay nin dhakhtar ahaa, oo ay afduub ku kaxaysteen dableey hubaysan kasoo markii afduubka loogeysanayay isku dayay in uu kabaxsado dableeydi afduuban lahayd kadibna ay usuurta galiweeyday,wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ninkani uu soo gaaray dhaawac inta aysan ka xeeysan dableeyda afuduubatay.

Isku soo wada duuboo magaalada Caabudwaaq ayaa waxa lagu xasuustaa magaalo ay ka jirtay nabad baaxad weeyn ka hor inta aysan tagin sanad ka hor kooxo qaswadayaal ah  oo isku dayay inay carqaladeeyaan amaanka iyo nabada ka jirtay magaaladasi balse arintaas waxaa u xusul duubay maamulki magaalada markaas ka jiray ee Culumada Ahlusunna iyo odoyaasha dhaqanka waloow ay odoyaasha dhaqanka marki hore ka gaabiyeen,nasiib wanaagse hadda waxaa ka jira magaalada Cabaudwaaq maamul ay dowladda Soomaaliya dhowaan u magacoowday.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com