Wadamada Ku Bahoobay G8 Oo Isku Raacay Taageerida Dowladda Soomaaliya.

0

g8London (AGGM): Shirkii muddada labada maalin uga socday magaalada London wadamada G8-ka ayaa lagu soo gabogabeeyay magaaladaasi ,waxaana looga hadlay xaalada wadanka Soomaaliya iyo dalalka kale oo ku yaala Asia iyo Africa.

Wadamada ku hormaray warshadaha ee G8 ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray dalka Soomaaliya sida dhanka amaanka 18 bilood ee lasoo dhaafay ,ka gudbidii marxaladii kumeelka iyo xaalada Dhanka gargaarka ah.

Waxaa sidoo kale ay tageereen taageerada aan kala go’a laheyn ee howlgalka midowga Africa iyo midowga yurub ,Maraykanka dalalka deebiyaasha iyo dhamaan dadkii ka qeyb qaatay ka shaqeynta nabada dalka Soomaliya.

Wadamada G8-ka ayaa sheegay in Shirka ka dhacaya magaalada London uu yahay mid diirada lagu saari doono dowlada Federaalka ,Waxaa kaloo shirka London xigi doona shir isna bisha May ka dhici doona dalka Japan oo xoogga lagu saari doono amaanka iyo mid kale oo uu martigelinayo Midowga Yurub bisha September, oo isna looga hadli doono dib u dhiska Somalia iyo horumarinta siyaasadda.

Dhamaan seddexdaasi shir ayaa la sheegay inay noqon doonaa dhisada dowlada cusub ee Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Waxay isku raaceen dhamaan wasiirada arimaha dibada G8 taageero sare oo dhanka siyaasada ah taasi oo la sheegay inay horseedeyso soo celinta xiriirka dowlada Soomaaliya kala dhaxeeyo Banka Aduunka , Baanka horumarinta Africa , iyo hayadda lacagta aduunka ee IMF.

G8-ka ayaa ku booriyay dowlada Soomaaliya muujinta sida ay kaga go’an tahay maareynta hantida iyo adkeynta hantida shacabka iyo sidoo kale isla xisaabtanka.

Mar ay ka hadlayeen Alshabaab iyo dagaalyahanada Ajaaniibta ee ku sugan dalka Soomaaliya waxaa wasiirada arimada dibada wadamada G8 ay sheegeen inay Qatar ku yihiin danaha dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com